Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xildhibaan ka baxay M oo ku biiray xisbiga Sverigedemokraterna

La daabacay onsdag 17 maj kl 13.50
Patrick Reslow oo isa baxay xisbiga Modaraat-ka.
(1:28 min)
Patrick Reslow, oo shir jaraa'id ku sheegay inuu ku wareegay xisbiga SD.
Patrick Reslow, oo shir jaraa'id ku sheegay inuu ku wareegay xisbiga SD. sawir: HENRIK MONTGOMERY / TT

Mid ka mid ah xil-dhibaannada xisbiga Moderaterna u metela xubnaha baarlamanka Patrick Reslow ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xisbiga (M), isla-markaana codsi u gudbiyay xisbiga Sverigedemokraterna sidii uu xubin uga noqon lahaa, sida uu saaka shir jaraa’id ku soo bandhigay xarunta baarlamanka Sweden.

Patrick Reslow ayaa sanadkii 2010-kii waxaa loo doortey xubin baarlamaan oo ka tirsan xisbiga Modaraat-ka, wuxuuna sidoo kale xubin ka ahaa guddi hoosaadyada baarlamaanka dalkaan Sweden u qaabilsan arrimaha caddaalada iyo dastuurka.

Patrick Reslow ayaa isagoo sharxaya sababta uu uga tagey xisbiga Modaraatka, wuxuu yiri sidan soo socota:

- Muddo dheer ayey arrintaani soo socotey. Waxaan qabaa in xisbiyada mucaaradka ee isbaheystey aysan u caddeyn cidda ay rabaan in wada shaqeyni dhexmarto iyo sidoo kale waxay sameynayaan doorashada 2018-ka ka dib. Waxaana jirta gacan xisbiyadaas uu xisbiaga Sverigedemoqoraadi-gu u soo fidiyey iyo waliba talaabooyin cadcad oo la rabo in la gaaro ama la fuliyo balse sidaas oo tahay xisbiyadaasi ma aqbalin gacantaas furan ee loo soo fidiyey ayuu yiri Patrick Reslow.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".