Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

M oo soo jeediyay in Reslow xildhibaannimada isaga dego

La daabacay onsdag 17 maj kl 16.11
Jessica Polfjärd (M), hoggaamiyaha xil-dhibaannada xisga Moderaterna.
Jessica Polfjärd (M), hoggaamiyaha xil-dhibaannada xisga Moderaterna. sawir: ANDERS WIKLUND / TT

Madaxa xil-dhibaannada xisbiga Modaraterna (M) baarlamanka Sweden Jessica Polfjärd ayaa dhaleeceeyn u jeedisay xil-dhibaan Patrik Reslow oo sheegay inuu ka tagay xisbiga M uuna xubin-nimo ka dalbaday xisbiga Sverigedemokraterna (SD). Xil-dhibaanadda ayaa sheegtay in loo baahan yahay inuu ka dego xubin-nimada xil-dhibaan-nimo.

Sida ay aamin-san tahay Jessica Polfjärd in aanay ka bixista Reslow aanay dhaawac sidaa u ballaaran ku ahayn xisbiga, iyada oo howlsha xubnuhu ey halkooda ka sii socon doonto.

Xil-dhibaanadda ayaan aamin-sanayn iney xil-dhibaanno kale ee xisbiga Moderaterna u wareegi doonaan xisbiga SD.

Xisbiga Moderaterna ayaa horay albaabada ugu furay wada-shaqeeyn dheeri ah inuu la sameeyo xisbiga Sverigedemokraterna waana mid aan wax u dhimeeyn ka bixista xil-dhibaanku uu ka baxay xisbiga M, kuna biiray Sverigedemokraterna, sida ay sheegtay Jessica Polfjärd.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".