Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallaan badan oo ku dhibaatooda socdaalka ay kelinimada ku galaan

La cusbooneeyay torsdag 18 maj kl 11.34
La daabacay torsdag 18 maj kl 09.50
Muhiim: Wixii la doonaa lagugu sameeyn
(2:02 min)
Kvinna och böcker.
Christina Heilborn, gar-yaqaanad ka howl-gasha laanta Unicef ku leedahay Sweden. sawir: JANERIK HENRIKSSON / TT

Kor ayay u sii kacayaan dhallaanka keli-nimada ku gala qaxa oo ey dhibaatooyinku la soo gudboonaadaan, iyada oo tiradoodu shan jibaarantay kolka loo barbar-dhigo sannadkii 2010, sida lagu sheegay war-bixin ay soo saartay laanta Unicef ee hayadda caalamiga ee Qarammada Midoobey.

Dhallaan malyuumaad gaareya ayaa ku khasbanaada iney guryahooda ka qaxaan, iyada oo boqolaal kun oo ka mid ahina ey qaxa galaan iyaga oo aaney la socon waalidiintii dhashey. Dhammaan dhallaanka qaxa ku soo mara badda mediteriyaanka ayaaney sagaal tobankiiba la socon waalidiintii dhashey ama cid ka weyn oo ka masuul ah.

Waxey galaan xaalad aad u adag, sida ay sheegtay madaxa gar-yaqaannada ee laanta Unicef ee Sweden Christina Heilborn.

Dalka Liibiya ayey dhibaatooyinka ku soo mareen?

Christina Heilbom, ayaa tusaale u soo qaadatey gabar 13 jir ah oo ay dhowaan kula kulantay magaalada Sicilien.

Dhallaanka ayaa ku dhacay shabaqa muqallisiinta.

Muqalisiinta ayey gacanta u galaan dhammaan nolosha dhallaanka keli-nimada ku socdaala. Noloshooda ayey dhibaatooyin kala duwani la soo gudboonaadaan oogiyan iyo maskixiyanba. Hase yeeshee ey jiraan cabsi mar waliba dul taagan iyo deeymo ey khasab ku tahay iney dib u bixiyaan, waana cabsi joogto ah oo muuqata, sida ay sheegtay Christina Heilborn.

Dalka Talyaaniga ayey toddobaadka foodda innagu soo haya ey kulan isugu iman doonaan madaxda toddobada waddan ee caalamka ugu awoodda weyn, kooxda G7 iyada oo laanta Unicef ee hayadda caalamiga Qarammada Midoobey uu yahay dhambaalka ay u direeyso madaxdaa in dhallaanku uu carruur yahay, In laga dhowro dilka, inaan xero la gelin. Qooysaska in la isku hayo iyo wixii la mid ah.

Christina Heilborn ayaa dhaleeceeyn u soo jeedineeysa siyaasadda qaxootiga ee dalka Sweden iyo xeerka ku meel-gaarka ee deggenaansho, midkaasina oo adkeeyey sidiiqaraabada loo mideeyn lahaa.
– Waxaa yaraada dhabbooyinka loo soo maro qaxa. Waana midda ku khasabta in dhallaankaasi ku socdaalaan waddooyin halis ah iyo doomaha khatarta ah ee badda Mediteriyanka, sida ay sheegtay.

Hirarka qaxootiga ee Yurub ku imaneya magan-gelyda ayey mar walba marka ka dambeeya kor u sii kaceyaan dhallaanka keli-nimada ku yimaada, iyada oo habluhuna yihiin kuwa caqabadaha ugu badani la soo gudboonaadaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".