Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

22 jir lagu tuhunsan yahay dil gabar iyo laba kale oo oodda laga qaadey

La daabacay torsdag 18 maj kl 11.57
Ciidanka ammaanka oo ku howlan xog raadinta war maydkeeda laga heley gabar 19-jir ah.
Ciidanka ammaanka oo ku howlan xog raadinta war maydkeeda laga heley gabar 19-jir ah. sawir: Mats Andersson/TT

Nin 22 jir ah ayaa ruumanka loo dhigay tuhun loo qabo dilkii gabar 19-jir ahayd, halka laba kale xorriyaddoodii dib loogu soo celiyey.

-Waxaa hoos u dhacay tuhunkii loo qabey labada nin ee ruumanka laga sii daayey, waxayna u ek tahay in aaney gacan ku laheeyn fal-dembiyeedkaa, sida uu sheegay xeer-ilaaliye Christer Sammens oo u warramayay hayadda wararka Sweden ee TT.

Dacwadda in ruumaanka lagu sii hayo iyo in kale 22-jirka oo diiddan inuu falkaasi geeystay ayaa go’aan laga gaari doonaa maanta oo khamiis ah.

22-jirka ayuu horay xiriir uga dhexeeyey gabadha 19-jirka ah ee maydkeeda la heley isniintii ina dhaaftay. Isagoona horay loogu tuhun-sanaa inuu u geeystay jir-dil.

Sida uu sheegay Christer Sammens saddexda nin ayaa dhammaan wada deggenaa daar ku taalay gabboodka beerta.

-Waxaa jirey xaalado farta ku fiiqaayey in saddexdoodaba lagu tuhmi karey fal-dembiyeedka af-duubka kolkii baadi-goobka loogu jirey gabadha maydkeeda la heley. Mana aanay jirin sharraxaad cad sababta xiriir loola yeelan waayey, sida uu sheegay Christer Sammens oo ka gaabsaday inuu faallooyin intaa ka ballaaran bixiyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".