Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xiisaha bulshadu u qabto ciyaarta cricket oo aad kor ugu kacday

La daabacay torsdag 18 maj kl 13.00
Dhallaanka ka yimid waddanka Afqaanistaan
(1:19 min)
Koox ka tirsan dalka Indiya oo ciyaarta Cricket ciyaaraya.
Koox ka tirsan dalka Indiya oo ciyaarta Cricket ciyaaraya. sawir: MANJUNATH KIRAN

Ciyaarta Cricket ayaa noqotay ciyaaraha ugu xiisada badan ee laga ciyaaro dalkan wakhtigii ugu dambeeyey.

In ay korodhay tirada qof ee ciyaartan ka qeeyb gala ayaa xidhiidh la leh qaxootiga faraha badan ee waddanka yimid, khaasatan kuwa ka yimid waddanka Afqaanistaan.

Shantii sannadood ee ugu dambeeyay ayey kordheen ururrada abaabula kooxaha ciyaara Cricketka, 61 ururo halkey ka ahaan jireen 14.

Mid ka mid ah kuwan ayaa la baxay magaca Afghan national fred förening oo laga aasaasay magaalada Eskilstuna.

Badankood dadka yimaada ururkan si ay u ciyaaraan Cricket ayaa ah qaxooti dhowaan yimid Iswiidhan, gaarahaan dhallaanka kelinimada waddanka ku yimid, af- iswiidhishkana lagu yiraahdo ensamkommande flyktingbarn.

Arif Afzalzada ayaa asaasay kooxda ururkan. Wuxuu sheegay in ciyaartani qaxootiga ka caawiso in ay wax kale oo aan jawaabta sharciga deggenaansho ahayn ku fekeraan wakhtiga ay halkaa joogaan. Hadii kale, ayuu yiri Arif Afzalzada, niyad jab ayaa ku dhici kara.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".