Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

22 jri dil ku eedeeysan oo lagu xukumay in ruumanka lagu sii hayo

La daabacay torsdag 18 maj kl 15.44
22-jir ku eedeey-san dilka oo lagu sii wado maxkamad.
22-jir ku eedeey-san dilka oo lagu sii wado maxkamad. sawir: Mats Andersson/TT

Wiil 22 jir ah ayay maxkamad maanta ku xukuntay in ruumanka lagu sii hayo, maadaama lagu tuhun-san yahay inuu ka dambeeyey dilkii gabar 19-jir ahayd oo maydkeeda la heley horraantii toddobaadkan. Wiilka iyo gabadha ayuu horay yga dhexeeyay xiriir.

-Waxay u dhimatay dhaawacyo loo geestay oogadeeda, sida uu sheegay xeer-ilaaliye Christer Sammens.

22 jirka iyo gabadha la dilay ayuu horay uga dhexeeyey xiriir dhammaaday. Horraantii sannadka ayaa eed looga soo sheegtay ah inuu jir-dil u geeystay marxuumadda.

Qareenka 22-jirka Bo Karlsson ayaa sheegay inuu ka argagaxay go’aanka maxkamaddu gaartay ee ah in ruumanka lagu sii hayo, maadaama lagu tuhun-san yahay dil. Wiilka ayaa iska dheereeyay dambiga lagu tuhun-san yahay.

Karlsson ayaa ka gaabsaday inuu wax ka yiraahdo inuu macmiilkiisu la kulmay habeenkaa la kulmay marxuumadda iyo in kale.

Gabadha dhimatay ayaa oogadeeda ey ku yaaleen dhaawacyo.

Maydka gabadha aya laga heley fiidn-nimadii habeenkii isniinta war ka ag-dhor beer ey ku taalo guryo la deggen yahay ee nawaaxiga Hudiksvall. Iyda oo arageeduna ugu dambeeyay fiid-nimadii habeenkii abtida ee axaddu soo galeeysay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".