Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ciqaabta dembiga dhaca ee guryaha loo geeysto oo la adkeeyen doono

La daabacay fredag 19 maj kl 08.43
Waraaqo boosto oo taala kadiifad taala albaab furan hortiisa.
Waraaqo boosto oo taala kadiifad taala albaab furan hortiisa. sawir: Jessica Gow/TT

Dawladda ayaa ku talo jirta inay soo jeediso cinwaan hor leh oo loo adeegsaneyo xeerka ka hor-tagga jabsiga ama dhaca guryaha  sidii loo adkeeyn lahaa, sida uu sheegay wasiirka shuruucda Morgan Johansson (S), middaasina oo ka dambeeysay soo jeedinno badan oo ammuurtaa la xiriirta oo dawladda ka soo gaartay xisbiyada mucaaradka.

-Su’aashan iima ahan aniga mid wayn ee la xiriirta mabaadiida, waanan fahmi karaa sababta ey xisbiyada mucaaradku u xiiseeyneyaan arrinkan. Marka diyaar ayaannu u nahey inaannu ka soo shaqeeyno oo aannu baarlamanka hor geeyno, sida uu sheegay Morgan Johansson oo u warramayay laanta warar ee Ekot.

Baarlamanka ayaa horay saddex jeer uga codsaday dawladda in wax ka bedelka xeerkan la hir-geliyo, midkaasina oo sababi doona in heerka ciqaabta ee ugu hooseeyaa noqdo hal sano oo xarig ah.

-Wuxuu noqon karaa fikir wanaag-san in la calaamadiyo dambiyada noocani ah oo meel uga dhacaya shakhsiyadda cidda lagula kaco, kolka loo geeysto guriga, sida uu sheegay Morgan Johansson (S).

Beatrice Ask (M), af-hayeenka xisbiga Moderaterna ee siyaasadda shuruucda ayaa soo dhoweeysay baaqa wasiirka shuruucda Morgan Johansson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".