Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wiilashii loo heeystay dilkii Kevin oo shir jaraa'id qaban doona saaka

La cusbooneeyay fredag 19 maj kl 11.28
La daabacay fredag 19 maj kl 10.12
Maxaa keenay in 20 sanno kadib dib loogu noqdo kiiska Kevin?
(4:44 min)
Robin Dahlén iyo Christian Karlsson, labadii wiil ee lagu eedeeyey dilkii Kevin 1998 oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Stockholm.
Robin Dahlén iyo Christian Karlsson, labadii wiil ee lagu eedeeyey dilkii Kevin 1998 oo shir jaraa'id maanta ku qabtay Stockholm. sawir: Noella Johansson

Wiilasha walaalaha ee lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen dilkii 4-jirkii Kevin 1998 ayaa maanta shir jaraa'id ku qaban doona magaalada Stockholm, si ey u bixiyaan sawirka ey ka qabaan dhacdadaa.

Fal-celin adag ayaa laga bixiyey barnaamijkii ka baxay idaacadda la iska daawado ee SVT ee la xiriiray dacwaddii dilka 4-jirkii Kevin ee nawaaxiga Arvika sannadkii 1998.

Barnaamijka idaacadda ayey ka muuqdeen sida ay ciidammadii ammaanka ee faraha ku hayay baaristii dilkaasi ay culeeyska ballaaran ee wareeysiyada u saareen labada wiil ee walaalaha ee da’doodu waagaasi ahayd 5 iyo 7-jirro, iyada oo aaney la joogin qareenno difaaca ama cid metesha xuquuqdooda iyo waalidkii dhaley.

Culimo ku takhasustay habka dhallaanka loo wareeysto ayaa dhaleeceeymo adag ka bixiyey habkii loo maareeynayey wareeysiyada dhallaankaasi. Wareeysi uu siiyay war-geeyska Aftonbladet wiilka wayn ee labada wiil ee walaaha Christian ayuu uga warramay dareenkiisa:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".