Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kiiskii Julian Assange oo hoos loo dhigay

La daabacay fredag 19 maj kl 11.29
Ilaa 2012:kii
(1:30 min)
Julian Assange oo ku jira gudaha safaarada Ecuador ku leedahay Boqortooyada Ingiriiska.
Julian Assange oo ku jira gudaha safaarada Ecuador ku leedahay Boqortooyada Ingiriiska. sawir: Kirsty Wigglesworth

Dhowaan ayaa go´aan laga gaadhay kiiska Julian Assange. Xeer ilaaliyaasha kiiskan ayaa qaraar ka gaadhay in hoos loo dhigo baadhitaankii lagu waday Assange oo lagu tuhmayay in sannadkii 2010: falal kufsi la xidhiidha ka geeystey Iswiidhan iyo in xannibaadi lagu hayay safaarada Ecuador ee Ingiriiska la joojiyo.

Bishii nofeembar sannadkii hore ayey xeer ilaaliyaha kiiskan Marianne Ny iyo qareenkiisa Per E Samuelsson la siiyay fursad ay ku wareeysteen Assange gudaha safaarada Ecuador ee Ingiriiska.

Qareenka Assange Per E Samuelsson ayaa muddo dheer doonayay in baadhitaanka hoos loo dhigo. Sababta ayaa ah in Mareeykanku rabaan in ay gacanta ku dhigaan ka dib uu galay dhowr dembi. Assange ayaa ah asaasihi bogga Wikileaks halku warbixin sir ah ku bandhigay.

Boggan ayuu dhowr dokumentii oo ku saabsan sirta militariga Ameerika ku daabacay. Sidaas daraadeed ayuu Samuelsson rajeeynayey in baadhitaanka la joojiyo si u Assange, oo dhowr sannadood ku xidhna safaarada Ecuador, xorriyad u helo. Waa arrin maanta laga aqbalay.

Julian Assange ayaa hore u sheegay in u ka baqayo in Iswiidhan lagu warreeysto madama u welwel ka qabo in ay dawladda Iswiidhan u dhiibto Mareeykanka.

Ilaa sannadkii 2012:kii ayuu joogay safaarada Ecuador ku leedahay dalka Ingiriiska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".