Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallaanka dhalashada dalkaan qaatey oo aan eheladooda loo keeneyn

La daabacay fredag 4 augusti kl 10.41
Dhallanka dhalashada Sweden qaatey oo aan ehelkooda loo keeneyn
(3:49 min)
Ahmed el Abbasi utanför sitt hem i småländska Bodafors.
Ahmed el Abbasi ayaa ka mid ah dhalaanka helay dhalashada Sweden balse aan u dacwoon karin ehelkiisa. sawir: Revend Shexo.

Dhallaanka dalkaan Sweden ku yimid iyaga oo kali socod ah, kuwaas oo markii ay dalkaan magangalyo weydiisteen ka dib, heley ama la siiyey dhalashada dalkaan Sweden, xaq uma laha in eheladooda dibadda uga maqan dalkaan gudihiisa loo keeno.

Sharciga dalkaan Sweden u dagsan ayaa dhigaya in dadka eheladooda loo keeni karaa ay yihiin oo kaliya kuwa dhalashadoodu ajnabiga tahay balse leh ama heysta sharciga daganaashaha dalkaan, taas oo macneheedu yahay in haddii dhallaanka kali socodka ahi ay qaataan dhalashada dalkaan Sweden , aysan xaq u laheyn in dalkaan gudihiisa loo keeno eheladooda dalkaan dibaddiisa uga maqan si ay ula midoobaan.  

Maxkamadda arrimaha socdaalka u qaabilsan dalkaan Sweden ayaa ridey go’aan maxkamadeed oo arrinkaan la xiriira taas oo go’aamisey in haddii dhallaanka kali socodka ahi dalkaan sharciga dhalashada ka heli uusan xaq u laheyn in eheladiisa dibadda uga maqan dalkaan loo keeno si uu ula midoobo.

Karin Gyllenring oo ah qareen ku takhasustey sharciyada la xiriira qaxootiga iyo arrimaha magangalyo doonka ayaa sheegtey in xaalka qofka dhalashada dalkaan qaataa uu ka xun yahay kan aan qaadan, waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

-Go’aanka noocaan ahi wuxuu igu khasbayaa in aan macaamiisheyda kula taliyo in aysan dhalashada dalkaan codsan si aysan arrintaan oo kale ula soo gudboonaan, sharcigaanina wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa kan xuquuqda bani aadamka iyo waliba xeerarka u degsan ururka midowga Yurub, ayey tiri Karin Gyllenring oo ah qareen ku takhasustey sharciyada la xiriira qaxootiga iyo arrimaha magangalyo doonka.

Hey’adda socdaalka ayaa go’aankaan markii ay gaareysey waxay u cuskatey sharci ajaanibka dalkaan soo gala ku saabsan kaas oo soo baxay sanadkii 1997-dii , kaas oo sheegaya in ilmaha waalidkiis loo keenayaa uu ahaado mid ajnabi ah oo aan xaas aheyn ama aan haween meher ugu xirneyn, sidaas daraadeed ayaan dhallaanka dhalashada dalkaan qaatey xaq u laheyn in eheladooda dalkaan dibaddiisa uga maqan loo keeno.

Ingela Fridström oo iyadu ku xigeen ka ah maxkamadda arrimaha socdaalka, isla markaasna guddoomisey go’aankaan maxkamaddaasi ay dhawaantaan soo saartey, ayaa hoosta ka xariiqdey in aysan suurtagal aheyn in sharciga dalkaan u qoran laga talaabsado , waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

- Nooma muuqan in wada kale ay noo furan tahay oo aan ka aheyn in aan sharciga dalkaan sida uu yahay aan u dabaqno, ayey tiri Ingela Fridström oo iyadu ah ku xigeenka maxkamadda arrimaha socdaalka.

Dalkaan Sweden ayaa waxaa imminka ku nool dhallaan da’ yar oo kali socod ah oo aan dal laheyn, kuwaas oo ay suurtagal tahay in ay dhalashada dalkaan Sweden ku qaataan muddo laba sano gudahood ah.

Waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot ayaa la kulantey mid ka mid ah dhallaankaas kali socodka ah kaas oo lagu magacaabo Ahmad El Abbasi, waana wiil 18 jir oo ku nool degmada Bodafors oo ka tirsan gobolka Småland. Ahmad ayaa wuxuu dalkaan soo galey muddo imminka laga joogo laba sano iyo bar, wuxuuna dhawaan dalkaan ka qaatey dhalashada Iswiidhishka, taas oo uu filayey in qaadashadeedu waxyaala badan u sahli doonto balse arrinku sidii uu filayey ma noqon , wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Ma ogeyn in qaadashada dhalashada dalkaani waxaas i dhaxalsiin karto, haddii aan sidaas markii hore ogaan lahaana waligey ma dalbadeen, ayuu yiri  Ahmad El Abbasi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".