Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Daniel Ståhl oo kaalinta labaad galey saxan tuurka ciyaaraha fudud ee adduunka

La daabacay måndag 7 augusti kl 14.39
Diskuskastaren Daniel Ståhl kom tvåa på VM. Foto: Jessica Gow/TT
Daniel Ståhl oo kaalinta labaad ka galey ciyaaraha fudud ee adduunka. Sawirkii : Jessica Gow/TT sawir: Jessica Gow/TT

Ciyaaraha fudud ee adduunka oo imminka ka socda magaalada London ee carriga England ayaa waxaa kaalinta labaad ka galey daniel Ståhl oo ah ciyaaryahan Iswiidhish ah oo ku tartama ciyaaraha saxan tuurka (diskus), wuxuuna raja weyn ka qabaa in uu bilad dhankaas ka soo hooyo.

Ciyaaryahankaan ayaa dad badani waxay qiyaasayeen in uu dalkaan Iswiidhan u soo hoyn doono bilad dahab ah balse wuxuu galey kaalinta labaad kaas oo laba centimeter oo kaliya ayuu ka hoos marey ciyaartoyga isagu biladdaas dahabka ah ku guuleystey.

Daniel Stålhl ayaa ku faraxsan in uu kaalinta labaad ka galey tartankaas, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Waxaan ahaa qofka koowaad ee ay dadka Iswiidhishku filayeen in uu ciyaarahaan fudfudud ee caalamiga ah bilad ka soo hooyo, ayuu yiri Daniel Stålhl.

Ciyaartoyda Iswiidhishka ah ee tartankaas ka qeyb qaadaneya ayaa ah kuwa badan, waxaa sidoo kale iyana la rajeynayey in Angelica Bengtsson ay bilad ciyaarahaas ka soo hooyso , balse taas badalkeeda waxay gashey kaalinta tobnaad.

Ciyaartoyda Iswiidhishka ah ayaan wali badankoodu tartankaas ka qeyb qaadan, waxayna ciyaarahaasi socon doonaan ilaa iyo 13-ka bisha agoosto ee aan ku jirno.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".