Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasi ugu wacay soomaalida buro kaankaro

La daabacay tisdag 8 augusti kl 10.04
Ilyas Hassan: MP waa in ay ka raali geliyaan soomaalida
(1:53 min)
Miljöpartiets dag i Almedalen
sawir: Janerik Henriksson/TT

Siyaasi xubin ka ah xisbiga Miljöpartiet ee degmada Järfälla ayaa iska calisay xilkii uu ka hayey degmadas kadib markii uu facebook-grupp ku qoray soomaalida in ay tahay ”buro kaankaro”.

Weli ma kala cadda ninkaan in uu ka sii mid ahaan doona xisbiga MP iyo in laga saari doono midna.

Mikael Jämtsved oo ah xildhibaan Miljöpartiet u fadhiya Järfälla ayaa sheegay in aan la aqbali karin ninkaan waxuu qoray aysana aheyn wax xisbiga Miljöpartiet aaminsan yahay, sida ay werisay P4 Stockholm.

Soomaalida laga raali-geliyo

Ilyas Hassan oo ah wiil dhallinyaro ah oo ku firfircoon arrimaha bulshada ayaa soo-dhaweeyey ninkaas uu iska caliso xilalkii uu hayey balse waxuu ka dalbaday hoggaanka xisbiga Miljöpartiet in ninkaan laga xayuubiyo xubinnimada xisbiga sidoo kalena xisbiga ka raali-geliyo arintan soomaalida.

- Kuma filna is casilaadiisa, waa in xubinnimada xisbiga laga saaro, soomaalidana laga raali-geliyo, sidoo kalena  waa iska la fiiriyo in ay ku jiraan dad kale oo sida ninkaan oo kale ah, ayuu yeri Ilyas Hassan. 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".