Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin lagu soo oogey in uu boqolaal ilmood gaboodyo galmo kula kacey

La daabacay tisdag 8 augusti kl 11.40
MAN HÄKTAD FÖR HUNDRATALS SEXBROTT MOT BARN
Nin lagu soo oogey gaboodfal galmada la xiriira oo uu ilma farabadan kula kacey. sawir: Thomas Johansson/TT

Nin da’da afartameeyada ku jira ayaa waxaa lagu soo oogey in uu faraxumeyn galmo raad la leh kula kacey caruur dhan ilaa iyo 150 ilmood, sida ay warisey idaacadda Iswiidhan qeybteeda gobolka Jämtland.

Ninkaan ayaa waxaa la qabtey khamiistii la soo dhaafey , maalintii jimcahana waxaa lagu soo oogey danbiga noocaas ah in uu galey.

Denbi baare Anders Ahlqvist oo isagu ka tirsan ciidamada booliiska dalkaan u qaabilsan dabagalka danbiyada la xiriira aaladaha baraha bulshada lagu galo, ayaa sheegey in ay ninkaan ku hayaan caddeymo buuxa oo la xiriirta danbiyadaas lagu soo oogey.

Ninkaan ayaa waxaa lagu soo oogey in uu diiwaangaliyey caruuro la faraxumeynayo ka dibna uu komputer-kiisa falalkaas uu duubey ka daawadey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".