Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Calool xanuun ku dhacey ciyaartoyda Sweden ee ciyaaraha fudud ee adduunka

La daabacay tisdag 8 augusti kl 14.55
Foto: AP Photo/Martin Meissner/TT
Ciyaartoy ka mid kuwa dalkaan Sweden u tartamaya. sawir: Martin Meissner

Qaar ka mid ah ciyaartoyda dalkaan Sweden uga qeyn galeysa ciyaaraha fudud ee adduunka oo ka socda dalka England ayaa waxaa ku dhacey cudurka calool xanuunka.

Sidaas ayaa waxaa sheegtey idaacadda Iswiidhan waaxdeeda qaabilsan dhanka ciyaaraha.

Ciyaartoydaan Iswiidhishka ah ee ciyaarahaas ka qeybgaleysa ayaa waxaa laga cabsi qabaa in cudurkaas calool xanuunku ku sii faafo.

Habeenkii isniintu soo galeysey ayaa ciyaaryahanka dalkaan 800 oo meter ugu orda Andreas kramer waxaa ku dhacey cudurka calool xanuunka ka dibna calool xanuunkaas ayaa ku faafey ciyaartoydii daganeyd hoteelka ay ciyaaryahanka Iswiidhishku degan yihiin.

Taakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha la socda ciyaartoydaan Iswiidhishka ah ayaa dadaal ugu jira sidii ay u xakameyn lahaayeen cudurkaas calool xanuunka ee ciyaartoyda Iswiidhishka ah qaarkood ku dhacey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".