Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Moderaterna oo dooneyna in jinsiyadda lagala noqodo dadka argagxisada ah

La daabacay tisdag 8 augusti kl 15.05
Johan Forssell
Johan Forssell afhayeenka siyaasadda socdaalka xisbiga Moderaterna. sawir: Claudio Bresciani/TT

Xisbiga Moderaterna ayaa doonaya in dowladda ay eegto fursadaha dib loogala noqon karo dhalashada ama jinsiyadda dadka argagaxisada u socdaale ee heysta labo jinsiyadood.

- Waa mid yaab leh in Moderaterna aysan hadda awoodin illaalinta dastuurka Sweden, ayuu yeri wasiirka cadaaladda Morgan Johansson (S).

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa horey ugu taliyey in dadka argagaxisada ku lug leh ee heysta labo jinsiyadooda lagala nogda dhalashada Sweden si ay ugu suurtogelin dib in ay ugu soo noqdaan Sweden marka ay ka soo laabanayaa dagaalada kooxa argagaxisada ah sida IS iyo kuwa la midka ah.

Imminkana xisbiga Moderaterna ayaa asna fikradaas qaatay.

- Weli in kasta oo aanaan go’aan kama dambeys ah arrintan ka gaarin waxa aan u aragnaa in ay tahay mid xiisaheeda leh oo istaahisha in la eego, ayuu yeri Johan Forssell oo ah afhayeenka siyaasadda socdaalka ee Moderaterna.

Maxuu dastuurka ka qabaa?

Dastustuurka Sweden qaybta dowladnimada ku saabsan, cutubka labaad, qodobka todobaad, ayey ku qoran tahay in shaqsi heysta jinsiyadda (dhalasha) Sweden waddanka laga masaafurin karin iyo in muwaadin waddanka ku noolaan jiray ama ku nool lagala noqon karin jinsiyadda.  

Isha: TT

somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".