Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ilaa hadda cidna looma qaban weerarkii ka dhacey barxadda Mynttorget

La daabacay onsdag 9 augusti kl 10.20
Cid loo qabtey ma leh weerarkii ka dhacey barxadda Mynttorget
(2:22 min)
Hundratalet ensamkommande ungdomar sittstrejkar på Mynttorget i Stockholm. Bilden togs i söndags
Qaar ka mid ah dhallaanka mudaharaadayey ee la weerarey. sawir: Stina Stjernkvist/TT

Dhallaan kali socod ah oo boqolaal qof gaaraya kuwaas oo mudaharaad dartiis baryahaanba u fadhiyey barxadda Mynttorget ee baarlamaanka dalkaan loo maro , ayaa xaley la weerarey.

Ciidamada booliiska ayaa goobtaas u gurmadey, waatan åsa Wallentin oo ah afhayeenka ciidamada booliiska iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

- Waxaa naloo soo sheegey in dad ku mudaharaadsan barxadda Mynttorget ay kooxi weerar u geysatey, waxaa kaloo naloo soo sheegey in wax lagu tuurey dadkaas mudaharaadka dhigayey,saddex qof ayaana falkaas dhaawac fudud ka soo gaarey, ayey tiri åsa Wallentin oo ah afhayeenka ciidamada booliisku.

Åsa Wallentin ayaa intaas ku dartey in ciidamada booliiska goobtaas wali ku sugan yihiin si ay ammaanka goobtaas u ilaaliyaan.

Fatima oo ka mid ah dadka mudaharaadkaas ka qeyb qaadanaya ayaa sheegtey in koox ay ugu yeertey in ay naziyiin ahaayeen goobtaas yimaadeen ka dibna ay bilaabeen in ay dadkii halkaask u mudaharaadayey ku qeyliyaan, ka dibna ay dhalooyinka qarxa oo afkooda qiic ka baxayo ku soo tuureen dadkii halkaask u mudaharaadayey.

Ilaa hadda ma jiraan dad falkaas loo qabtey balse Jens mårtensson oo ciidamada booliiska ka tirsan ayaa wuxuu yiri sidan soo socota:

- Waxa jira ilaa iyo 15 qof oo ay ciidamada booliisku aqoonsadeen in ay falkaas ka qeyb qaateen, ciidamada booliiskuna waxay goobtaas geeyeen ciidamo amnigeeda suga,  ayuu yiri Jens mårtensson oo ciidamada booliiska ka tirsan.

Dhallaanka goobtaas ku mudaharaadaya ayaa dalbanaya in hey’adda socdaalka dalkaani joojiso dadka ay u masaafurineysa dalka Afqaanistaan maadaama dalkaas ay wali khataro ka jiraan.

Dhallaankaas mudaharaadaya ayaa sidoo kale dalbanaya in maareeyaha guud ee hey’adda socdaalku goobtaas yimaado ka dibna uu ogolaashaha dalabkoodaas isla goobtaas ku soo bandhigo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".