Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

kala noqoshada liisinka waddida baabuurta oo la rabo in la badiyo

La daabacay onsdag 9 augusti kl 11.45
Sharciyada liisanka baabuurta ee dadka waayeelka ah oo la soojeediyey in did
(3:24 min)
Haayadda gaadiidka ayaa doonaysa in la kordiyo kala noqoshada liiska wadida baabuurta dadka da´da ah.
Haayadda gaadiidka ayaa doonaysa in la kordiyo kala noqoshada liiska wadida baabuurta dadka da´da ah. sawir: Jonas Ekströmer/TT

Hay'adda gaadiidka ayaa hada dooneysa in shuruudaha lagu adkeeyo dadka da´da weeyn ee laysinka baabuurta haysta. Taas ayaa imanaysa xilli todobaaddii ugu danbeeyey ay dhaceen dhowr shil oo dad waayeel ahi wadeen.

Hay'adda gaadiidka ayaa hada doonayso in wax ka badel lagu sameeyo sharciyada si ay loo suurageliyo in dadka xanuunada qaba iyo kuwa da´da awgeed khatar ugu jira in ay shil galaan looga qaadi karo liisanska wadidda baabuurta.

-Waxa jira wadooyin badan oo arrintan loo mari karo. Waxa lagu khasbi karaa dhakhaatiirta masuulka dadkaas ka ah in ay warbixin ka keenaan ciddii aan wadidda baabuurta ku habooneyn. Waxa kale oo la bilaabi karaa baadhitaan wakhtiyo go´an la sameeyo oo khasab ah, ayuu yidhi Lars Englund oo ah dhaktarka arrimahan u qaabilsan hay'adda gaadiidka. 

Shirciga hada lagu fuliyo dadka waaweyn ee liisanka baabuurta haysta waa mid ay hay'adda gaadiidku saluugsan tahay. Dhakhaatiirta ayaa hada ka masuul ah in ay hay'adda gaadiidka ku wargelyaan marka qof xanuunkiisa awgii uu noqdo mid aan ka bixin karin wadidda baabuurta. Balse waxa la sheegay in dhakhaatiir badan ay ka gaabiyeen in ay soo sheegaan qof kasta oo xaaladdiisa caafimaad ay iska hortaagayso wadidda baabuurta. Boqolkiiba 10-20 dadka qaba cudurka dhimanka ayaa lagu soo wargeliyaa hay'adda gaadiidka, sida lagu sheegay tiro koob ay hay'adda gaadiidkdku sameeysay.

Mid ka mida sababaha ay dhakhaatiirtu uga gaabiyeen in ay ka warbixiyaan dadka ay tahay in liisanska baabuurta laga qaado, ayaa ah fursad sharcigu siinaayo dhakhtarka iyo qofka liisanka haystaa in ay isku afgaran karaan in qofka bukaanka ahi ka fogaado wadida baabuurta, halka dhakhtarkunu iska dhaafi karo in uu warbixin gaadhsiiyo hay'adda gaadiidka. Waxa kale oo arrintaani dhalisaa in bukaannadu cadhoodaan oo ay bedeshaan dhakhtarka marka arrintan la soo hadal qaado. 

–Hannaankani ma aha mid wanaagsan, ka reebidan ku jira sharciga ayaa ka dhigaya sharciga mid aan adkayn. Sidoo kalena dhakhaatiirku waa in ay raacaan sharciga. Tobonaan kun oo qof ayaa sanad kasta gelaaya xaalad anay ku haboonayn wadida gaadiidka, dhakhaatiirtuna ma rabaan in ay faashka qaataan oo u horseedaan dadka in liisanka laga qaado, ayuu yidhi Lars Englund.

Todobaadkii hore waxa shil baabuur ku dhaawacmay 6 caruur ah meel ku dhow magaalada Tierp, ka dib markii nin 80 jir ah uu baabuur jiidhsiiyey. Booliska ayaa tuhunsan in ninkaan uu waxba ka arki waayey leeyd xoogan oo indhaha ka qabtay. Sidoo kalena haweeney 90 jir ah ayaa dhimaytay labo qof oo kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii haweeney 84 jir ahi ku jiidhay magaalada Stockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".