Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Nin socod lug ah ku tagaya Falastiin

La daabacay onsdag 9 augusti kl 15.20
"Socod lug ah ku tagayaa Falastiin"
(1:41 min)
Labo sawir
Sawiro uu iska qaaday Benjamin Ladraa maalinkii ugu horeeyey socodkiisa lugta ah. sawir: Privat: Benjamin Ladraa

Waxa uu ka dhaqaajiyey Göteborg, waxa uuna socod lug ah ku tagayaa Falastiin.

Socod qaadan doona qiyaastii sannad. Benjamin Ladraa ujeedadiisa waa sidii u dadka u gaarsiin lahaa aqoonta iyo macaluumaadka la xiriira xoog ku haysashada Isreal ee dalka Falastiin.

- Waxaa lug ku tagayaa Falastiin. Sannadkan 2017 boqol sanno ayaa laga joogaa sannadkii 1917 markii Ingiriiska xoog ku qabsaday Falastiin. Ku dhawaad 60 sanno waxaa laga joogaa markii Israel  xoog ku qabsatay dhamaan dalka Falastiin.

Saddex beri ka hor ayuu  ka soo dhaqaajiyey socodkiisa lugta ah agagaar magalada Göteborg. Waxa uu qiyaasayaa in ay ku qaadan doonto ku dhawad sannadka inta uu ka garaayo Falastiin.  Shaqsiyan asaga waa qof Iswiidhish ah, uma baahnid in aad ahaatid qof Falastiini ah si aad u aamintid xoog u haysashada in ay tahay qalad, ayuu Benjamin Ladraa.

- Waxa aan ahay Iswiidhish ku dhashay hosbitaalka Karolinska kuna soo koray maglaada Umeå. Umana baahnid in aad ahaatid Falistiini si aad u aragtid xoog ku haysashada in ay tahay qalad. Sidoo kale ma ahi qof Yahuudi ah balse saas oo ay tahay waxaan u arkaa xasuuqii Yahuuda dagaalkii labaad ee aduunka in uu ahaa wax laga naxo oo aan jeclayn in ay dib dembe u dhicdo. Qofku qola kasta oo uu yahay wuu cambaarayn karaa dembiyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka , ayuu yeri  

Dhabaha uu Falastiin ugu lugeynayo waxaa ku hagaya telefoonka.

 - Google Maps ayaa ah saaxiibkayga dhabta ah, manta tusaale ahaan waxaan ka soo toosay Åsa, Maantana waxa aan u malaynayaa in aan gaari doona Varberg, dhabaha aan marayana waxaan ka fiiriyaa Google maps

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".