Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga S oo taageero dheeraad ah helay

La daabacay torsdag 10 augusti kl 14.20
Baadhis lagu sameeyey taageera codbixiyaasha ka dib fadeexaddii IT:ga
(2:42 min)
Isku shaandheeyntii golaha wasiirada.
Isku shaandheeyntii golaha wasiirada. sawir: Erik Simander/TT

Baadhitaan taageerada codbixiyaasha oo ay wargeeyska Expressen u samaysay Demoskops ayaa lagu ogaaday in xisbiga Socialdemokraterna helay taageero dheeraad ah.

Xisbiga Socialdemaraterna ayaa taageeraddiisa codbixiyaasha korodhay 1.4 boqokiiba, tan oo taageerada guud ee codbixiyaasha Socialdemokraterna ka dhigtay 28,4 qobolkiiba.

Baadhitaankan ayaa la sameeyey todobaadkii hore ayaa, markii oo ay jirtay fadeexad gilgishay xukumada, kuna keliftay in isku shaandheeyn lagu sameeyo golaha wasiirada.

Sören Holmberg oo cilmiga maamulka ka dhiga jaamacada Göteborg ayaa aaminsan sida raysalwasaare Löfven uu u maareeyey fadeexadan ay qancisay codbixiyaashan.

- Labo wasiir ayaa iscasilay halka wasiirkii taageerada ugu badan ka haystey codbixiyaasha dhanka midig la reebay. Markan xisbiyada mucaaridka xalad cakiran ayaa la geliyey, taasna waa ay shaqeysay sida aan arkeeyno, ayuu yidhi Sören Holmberg.  

Xisbiga Sverigedemokraterna

Dhinaca kale xisbiga Sverigedemokraterna ayaa markii ugu horeysay dib u dhac weeyn oo taageerada codbixiyaasha ah la soo gudboonaatay. Baadhitaankan ayaa muujinaya in taageerada SD ay hoos uga dhacday 20.1 oo ay markii hore ahayd, iyada oo ay hada tahay 16,6 taas oo la macne ah in SD lumiyey 3,5 boqolkiiba taageerddisa codbixiyaasha. SD waxa uu hoos uga dhacay kaalinta labaad ee xisbiga ugu weeyn sida xisbi ee baarlamaanka Sweden ku jira.

- Iyagu qayb kama ahayn doodan, waxa iska horjeeday oo xiisaha dad-weeynaha soo jiidanayey xisbiyada Alliansen iyo Socialdemokrater. Mida labaad dooda arrimaha qaxootigu ma joogto heerkii ay gaadhsiisanayd markii SD ugu taageerada badnayd.Tirada qoxootiga  aan qaabilnaa hoos ayey aad ugu dhacay, ayuu sheegay Sören Holmberg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".