Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baahi loo qabo in iskuulo cusub waddanka laga dhiso

La daabacay fredag 11 augusti kl 10.23
Sweden oo dhiseysa iskuulo cusub si ay baahiyaha jira u daboolaan
(2:26 min)
 Elever under en matematiklektion på Bredängsskolan
Arday ku jirta xiisadda xisaabta. sawir: Lars Pehrson/SvD/TT

Kor u kaca ku yimid tirada caarruuraha dugsiyada hoose bilaabaya darteed ayey degmooyinka dalkaani ku khasban yihiin in ay si dhakhsa ah iskuulo cusub u dhisaan.

Anders Rubin oo ah madaxa hey’adda dugsiyada hoose u qaabilsan degmada Malmö ayaa sheegay in baaxadda carruuraha iskuulada bilbaabaya horey:

- Horey uma aanaan arag kor u kac baaxaddaas leh oo la xiriira ardeyda da’aaddaas ah, waxayna u dhigmaan heerkii tiro ee ardeyda da’daas ahi gaareen sanooyinkii 1900-laadkii, ayuu yiri Anders Rubin oo ah madaxa hey’adda dugsiyada hoose u qaabilsan degmada Malmö.

Dalkaan Sweden ayaa waxaa la qiyaasayaa in tobanka sano ee soo socda ay dadkooda ku siyaadi doonaan dad qiyaas ahaan gaaraya hal malyan oo qof , sida ay soo bandhigtey hey’adda tirakoobka dalkaan Sweden.

Tiradaas dad ee dalkaan ku siyaadeysa ayey badankoodu yihiin kuwa dhallaan ah oo ruga ay wax ku bartaan u baahan, waana taas tan keentey in ay si xoog leh u kordhaan baahida loo qabo iskuulada hoose/dhexe iyo waliba kuwa xanaanada caruurta.

Magaalada Malmö ayaa tusaale ahaan sanooyinka soo socda waxaa la filayaa in boqolkiiba lixdan ay kor u kacaan ardeyda sugaya in ay bilaabaan dugsiyada hoose/dhexe ee magaaladaas ku yaal.

Magaalada Stockholm ayaa iyana ardeyda dugsiyada hoose dhigataa waxay kor uga kici doonaan 95 000 oo imminka dugsiyada magaaladaas dhigata, waxayna sanadka 2024-ka ardeydaasi tira ahaan gaari doonaan 120 000 oo ardey.

Magaalada Umea ayaa iyana la filayaa in ardeyda dugsiyada sare dhigataa in ay kor u kici doonaan saddex jibbaar tobanka sanno ee soo socda.

Johan Nyström oo dhanka qorsheynta u qaabilsan hey’adda degmada Göteborg u maareysa dugsiyada hoose, ayaa sheegey in sanadkii 2019-ka ay bilaabayaan dhismaha ilaa 30 iskuul oo cusub si ay baahiyaha jira u daboolaan , wuxuuna yiri sidan soo socota:

-  Ilaa iyo inta laga gaarayo sanadka 2020-ka, waxaa degmada Göteborg iskuuladeeda ku soo siyaadi doona qiyaastii 6000 oo ilmood oo cusub taas oo macneheedu yahay in ardeydaas loo sii diyaariyo boosaskii ay wax ku baran lahaayeen, ayuu Johan Nyström.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".