Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lacag loo qorsheeyey meelaynta carruurta keligood yimi

La daabacay fredag 11 augusti kl 10.41
Stockholm oo doonaysa in carruurta keligood socodka ahi sii joogaa degmada.
(1:29 min)
Skor i hallen på ett HVB-hem för ensamkommande
Kabo yaala daaradda hooy lagu hayo dhallaanka kali socodka ah. sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Degmada Stockholm ayaa 10 milyan ka heshay xukumada dhexe is ay meel u dejiso dhalinyarada keligood yimaada ee buuxiya 18 jir.

Lagactan ayaa ka mid 159 milyan oo xukumadda dhexe u qorshaysay degmooyinka waddanka in ay u isticmaalaan caawinta dhalaanka buuxiya 18 sano.

- Lacagtan waxa ay suuragelinaysaa in dhallaankan lagu casuumo in ay halkan joogan. Carruurta halkan la qabsaday, waxbarashada bilaabay oo amaan ku dareemayaa ayaa loo suuragelin doonaa in ay degmada sii joogaan ayey sheegtay Åsa Lindhagen oo degmada Stockholm u hadashay.  

Carruurta keligood yimaada waxa masuul ka noqda degmooyinka, balse marka ay 18 sano buuxiyaan waxa masuuliyadooda la wareega laanta socdaalka oo inta badan ku khasabta in ay ka guuraan meeshii ay la qabsadeen ee ay iskuulada ka bilaabeen. Arrintan ayaa dhalisay in xukummada dhexe u qorshayso lacag degdemooyinka si ay dhalinyara 18 jir gaadha ugu ogolaadaan in ay degmada sii degenaadaan.

Stockholm waxa hada jooga 400 oo carruur keli socod ah oo sannadkan qaangaadhaysa oo ay tahay in degmada Stockholm meel ay degaan u soo hesho.

- Waxa loo isticmaali karaa in la helo dhowr xal. Waxay noqon karaan in la helo guryo ku meel gaadha ah, in ururada ay keenaan xal, in dadka lagu dardargeliyo in ay gacan ka geestaan xalinta arrintan, iyo in dadka haya carruurta la siiyo dhaqaale dheeraad ah si ay u sii haayn karaan caruurta gaadha 18 jir.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".