Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sidey doorashadu uga dhacdaa dalkan?

Publicerat fredag 9 juni 2006 kl 10.48
1 av 3
2 av 3
3 av 3

Yaa la dooran karaa? Yaase wax dooran kara? Ajnabiga? Iswiidhishka dalka dibaddiisa ku dhaqan?

Xisbiyadda doorashada u sharraxan? Maxey ku kala fikir duwan yihiin? Jawaabaha su’aalahaa dhammaantood waxad kaga haqab baxeysaa halkan:

Dadweynaha Iswidhan wexey doorasho galaan axadda sadexaad ee bisha sebtembar afartii sanoba mar, kolkaa oo ladoorto gole-shacab (baarlamaan), gole-gobol iyo gole-degmo.

Mexeey tahay doorashadani?

Golaha shacabka

*Iswidhan waa boqortooyo baarlamaani ah, golaha shacabkuna waa barlamaanka wadanka. Golahani waa hal aqal oo ka kooban 349 xildhibaan, kuwaas oo dadwynuhu ku doortaan doorashooyin xora. Goluhu wuxuu dejiyaa sharciyada, wuxuu go’aan ka gaaraa cashuuraha, wuxuuna ansixiyaa miisaaniyadda dalka. Goluhu wuxuu kaloo u kuurgalaa hawlaha dowladda iyo wakaaladaha wuxuu kaloo doortaa wasiirka 1aad (ra’iisal-wasaaraha). Wasiirka 1aad ayaa markaa dhisa oo hogaamiya dowladda.

Golaha gobolka

*Iswidhan wexey u qaybsantahay gobollo. Golaha gobolka ayaa ah xubinta iska leh goáanka kama dambaysta ee maamulka gobolka.  Hawsha ugu badan ee golaha gobolku waa daryelka caafimaadka bulshada iyo arimaha la xiriira.Waxa kale oo golahani masuul ka yahay kor u qadidda dhaqaalaha iyo horumarka  gobolka. Tusaale ahaan gaadiidka dadweynaha.

Golaha degaanka(degmada)

*Iswidhan waxay leedahay 290 degmo oo maamula arimaha degaanka sida iskuullada, xannaanada, adeegga bulshada, daryelka waayeelka, biyaha iyo nadaafada. Degmooyinku waxey hoos yimaadaan golaha degmada.

*Maanta waxa Iswidhan ka taliya dowlad sooshiyaal ah (socialdemokrat) oo taageero baarlamaanka kaga hela xisbiyada bidixda (vänsterpartiet) iyo xisbiga cagaaran (miljöpartiet). saddexdaas xisbi oo loogu yeedho garabka bidix. Mucaaradka oo loogu yeedho garabka burjuwaasiga ayaa ka kooban xisbiyada: Moodaraadka, folkpartiet, kristanka dimuqraadigaa iyo sentarka.

*14 gobol ee maamulka gobollada waxa xukuma garabka bidixda, afar-na garabka burjuwaasiga halka 3-da kalena uu maamulkoodu isku dhafan yahey.

*108 degmo wuxuu maamulka gacanta ugu jiraa garabka bidix, 99-na xisbiyada burjuwaasiga halka 83 degmo ay xukumaan isku darsiyo ka socda labada garab.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".