Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waxaa jira shuruuc kala duwan ee xadidda habka doorashooyinka saddexda ah ee kala duwan

Publicerat torsdag 15 juni 2006 kl 09.11

Tusaale waxaa taa noogu filan in doorashada degmooyinka ey ka codeyn karaan cid aan heysan dhalashada dalkan, balse aaney ka codeeyn kareyn tan baarlamanka cid aan heysan baasaboorka dalkan.

Yaa codayn kara

*Wey kala duwan yihiin shuruudaha codaynta ee golayaashu. Golaha baarlamaanka waxaa u codaynkara wadaniga Iswidhishka oo keli ah, halka ey golayaasha degaanka u codayn karaan  wadaniyiin ajnebiga ah.

* 6.8 malyan ayaa xaq u leh u codaynta baarlamaanka kuwaas oo ah wadaniyiin Iswidhish ah buuxiyey 18 sano. Tiro in yar dheer 116 000 ayaana kaga nool dalka debediisa.

*7 miljan ayaa xaq u leh u codaynta degaannada ( golaha degmada iyo kan gobolka). Waa in ay degganaadaan gobolka iyo degmada, buuxiyaana 18 sano iyo weliba mid kamid ah shuruudahan hoose:

-wadani Iswisdish ah

-wadani EU(midowga yurub)

- wadani Island iyo Noorweey

- wadani kale oo Iswidhan deggan ugu yaraan 3 sano kuwaas oo lagu qiyaaso 330 000 qof.

*Qiyaastii 260 000 ayaa markii ugu horaysey codaynaya waxana ajnebi ah qiyaastii  4 800

Codbixiyaha dalka debeddiisa ku nool

*Qofkii debedda u guuraa wuxu xaqiisa codbixinta ee baarlamaanka leeyahay 10-ka sano

*Kaarka codka iyo warbixinta kale ee doorashada ku saabsan waxa loo diraa ciwaanka qofku sheegto marka uu dalka ka guurayo

*Si aad u codaysid 10 sano ka dib waa in aad la xiriirtaa wakaaladda cashuuraha.

Tiro intee le’eg ayaa codkooda dhiibta?

In ku dhoow 10 kii 8 ayaa isticmaala xuquuqdooda codbixineed. Doorashadii ugu dambeysey ee 2002dii waxaa u codeeyey baarlamaanka 80,1 %, degmadana 77,9 %, gobolkana 77,45 %.Codbixintu weey is dhimeysey sanadba sanadka ka dambeeya. Tusaale ahaan 70-nnadii waxaa codkooda dhiiban jirey 10-kii qofba sagaal..

Nidaamka doorashada

Cod-bixiyuhu wuxuu dooran karaa xisbi . Wuxuu kale oo qof ka dooran kartaa liiska musharixiinta xisbiga, habkaas oo loogu yeero qof doorasho (personval).Habka doorashdu waa celcelis, taas oo macnaheedu yahey in tirada xil-dhibaannada xisbi ka heli karo goleyaasha sida kan baarlamaanka ku xirantahay inta cod ee uu dadweynaha ka helay. Nidaamka doorashadu wuxu ku xusanyahay ”xeerka doorashda”. Qofkasta oo codaynta xaq u lihi wuxuu kaloo xaq u leeyahay in la dooran karo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".