Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waxaad dalkan codkaaga ka dhiban kareysaa wakhtiyoiyo goobo kala duwan.

Publicerat fredag 9 juni 2006 kl 10.53

Tusaale ahaan waxaad codkaaga dhiiban kareysaa maalinta doorashada iyo goobaha doorashada ama wakhti ka horreeya goobo loogu talagalet. Waxaad kaloo codkaaga ku dhiiban kareysaa boostada ama ruux aad wakiilatey.

Sidee loo codeeyaa?

Maalinta doorahsada waxaad ka codayn kartaa goobaha cod-bixinta, ama hore uga sii coday goobaha gaarka ah. Waxaad kale oo codka ku diri kartaa boosta ama qof ayaad wakiilan kartaa.Si aad u codayn kartid waa in aad ku jirtaa liiska codaynta, wakaaladaha qaabilsan ayaana sameeya liiska codaynta doorasho walba.Wakaaladda doorashada ayaa u dirta kaarkiisa cod-bixinta qof walba inta doorashada ka horreysa.Markaad ka codayneesid goobta codbixinta waa in aad sidataa kaarkaagii codaynta aadna tustaa warqaddaada aqoonsiga sida teesaraha ama si kale isku cadaysaa.Degmo walbi wexay u qaybsantahay aagag doorasho, aag walbina wuxuu leeyahay goob codbixineed, goobtaas oo ay ka codaynkaraan intii aagga deggani. Goobaha codbixintu wexeey sida caadiga ah furanyihiin saacdaha 08.00 – 20.00.Qofku codbixinta waa hormarsan karaa taas oo awal loogu yeerijirey ”codaynta boosta”, maadaama boostadu ka masuul ahayd hawshas laakiin sanadkan laga bilaabo degmada ayaa masuul ka ah. Waxa codka laga bixin karaa goobo loogu talo galay sida maktabadda oo kale laga bilaabo 18 maalmood ka hor maalinta codbixinta illaa maalintaasi.Gudiga doorashadu waxay diyaariyaan in cusbataaldda lagu codaynkaro ciddii ka maarmiweydaa sida bukaan jiifka, dadka soo booqda iyo shaqaalaha caafimaadka.Goobaha codbixinta oo dhammi waxay leeyihiin daah si qofku isaga oon cidi arkayn codkiisa ugu rido sanduuqa.Qofkii aan cudur, curyaannimo ama gabow dartood tegikarin goobta codbixinta waxa uu wakiilankaraa qof kale. Xataa maxaabiistu waa wakiilankaraan qof kale.Qofka hore uga codeeya dalka gudihiisa ama debeddisaba waa ka noqonkaraa, wuxuuna mar labaad ka dhiibankaraa codkiisa goobta doorashada maalinta doorashada. Markaas oo codbixintii hore bureeso tan goobta codaynta ee maalinta doorashuduna dhaqangeleeso.

Sidee looga codaynkaraa dalka debeddiisa

Iswidhishka dalka debedda uga guura waxa lagu daraa liiska codbixinta haddii ay dalka ka guureen 10kii sano ee ugu dambeyey ama ay ugu dambayn 30 maalmood ka hor maalinta doorashda is ogeysiiyaan wakaaladda cashuuraha si loogu daro liiska.dadka debeda ku nooli waxay codka ka dhiibankaraan safaaradaha ama qunsuliyadaha dalku debeda ku leeyahay. Codayntu waxay u bilaabantaa 24ka bisha ogoosto waxayna socotaa meelaha qaarkood mudo gaaban. Codadkaasi wa in ay soo gaadhaan wakaaldda doorashda ugu dambayn maali ka hor maalinta doorashda.Dadka codka bixin kara ee debadda dalka kaga sugani wexey codkooda ku soo diri karaan boosta meel ay joogaanba. Badmaaxyada ku sugan markab biyaha debedda ku maqan iyana warqad ayey ku codayn karaan. Warqaddaas codka waxaa la soo diri karaa laga bilaabo ogoosto illaa maalinta doorashada.Qofka boostada ku codaynayaa wuxu warbixinta arintaas la xiriirta, ka dalban karaa wakaaladda doorashada ama fadhiyada debedda sida safaarad iyo qunsuliyad.

Sidan ayaad u samayn kartaa ”qof doorashada”

waxad u codayneesaa xisbi, isla markaana ku calaamadayn kartaa qofkaad rabtid in aad dooratid ”warqadda doorashada”. Hal musharax keliya ayaad calaamadayn kartaa. Musharax cusub kuma dari kartid warqadda doorashada.

Xagge ka imanayaan warqadaha doorashadu?

Xisbigii helay 1 % codadka wadanka oo dhan labadii doorasho ee ugu dambeeyey midood wuxuu xaq u leeyahay in bilaash loogu daaboco waraaqahaas.Doorashada golayaasha gobolka iyo degmada waxa xisbigu xaq u leeyahay warqadahaas haddii cidi ugu jirto golahaas.Warqadaha doorashadu waa 3 nooc: warqadaha magaca-kuna qoranyihin magacyada musharaxiintu-,warqadaha doorahsda xisbiga-kuna dhiganyahay magaca xisbiga oo quri-iyo kuwo cad cad oo lagu qori karo magac xisbi.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".