Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkammaddii ugu horreysey ee la xiriirta gudniinka fircooniga ayaa ka dhici doonta magaalada Göteborg.

Publicerat onsdag 7 juni 2006 kl 15.18
Fatima Nur waxey xubin ka tahey xisbiga Folkpartiet ee gobolka Istokholm

nkasta oo muddo 24 sannadood kor u gaareysa ey dalkan mamnuuc ka aheyd gudniinka fircooniga ah ee hablaha ayaa maanta oo arbaca ah markii ugu horreysey waxaa maxkamad la hor keeni doonaa aabbe soomaaliyeed ee lagu soo oogey inuu gabadhiisii ku sameeyey gudniin.

Faduma Nur oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Folkpartiet ayaa sheegtey mar ey wareysi la yeelatey idaacadda P1 in arrinkani uu dhinac ka yahey mid murugo u leg gabadhii gudniinka lagu sameeyey, dhinaca kalena uu taageero u yahey hablaha iyo waalidiinta iyaga dareemey dhibaatada uu gudniinku u leeyahey caafimaadka hablaha.

Sannadkii 1982-kii ayaa markii ugu horreysey dalkan laga mamnuucey inuu hablaha lagu sameeyo gudniinka fircooniga.

Maalinba maalinta ka dambeeysa waxaa wax lagu kordhinayey qaanuunka mamnuuca gudniinka illaa la gaarsiiyey heer xittaa maxkamad la soo taagi karo haddii gudniinku ka dhacey waddammada iyagu aaminsan dhaqankaa. Iyada oo maanta magaalada Göteborg maxkamad la horkeeni doono markii ugu horreysey shakhsi amuurtaa lagu soo oogey. Aabbe soomaaliyeed ayaa lagu heystaa inuu gabdhiisii u kaxeeyey dalkii halkaasina uu gudniinka fircooniga ku soo sameeyey, iyada oo aaney gabadhii dhasheyna wax akhbaar ah ka heyn sida uu xeerilaaliyuhu dacwadda u soo oogey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".