Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

MAGAALADA JOWHAR

Publicerat måndag 19 juni 2006 kl 16.09

Maaamulka maxaakiimta islaamka oo sheegey in Jowhar lagu dhaqi doono shareecada islaamka

Ciidamadii ururka maxaakiimta islaamka ee dhowaantan gacan ku heynteeda magaalada Jowhar kaga guuleystey dagaaloogayaashii ayaa maanta u magacaabey raggii hogaamin lahaa maxkamad la sheegey iney halkaasi ka aasaaseen.

Sida la caddeeyey waxaa maamulka carrigaasi lagu dhawaaqey in loo dhiibey sida uu sheegey Shariif Shiikh Axmed oo ah gudoomiyaha maxaakiimta islaamku shiikha magaciisa la yiraahdo Shiikh Cusmaan Maxamed Maxamuu, sida la sheegayana ah nin mayal adag.

Waxaa sidoo kale hogaanka degmadaasi la wadi doona Shiikh Maxamed Shiikh Maxamuud Cabdiraxmaan ahna macallin dugsi quraan iyo wadaadka aan sidaa loo aqoon ee Shiikh Macallin Xassan.

Maalin ka hor intii aan lagu dhawaaqin in goobtaasi lagu dhaqi doono shareecada islaamka ayaa albaabada loo laabey dhammaan shinimooyinkaa lagu daawan jirey aflaanta.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".