Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

KULLAN LAGU WADO INUU KA DHACO KHARTUUM EE CAASIMADDA SUUDAAN

Publicerat onsdag 21 juni 2006 kl 15.23

Kulan uu soo qaban qaabiyey ururka jaamicadda carabta ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Khartuum.

Madaxda sarsare ee dawladda federaalka iyo maxaakiimta islaamka oo lagu wado iney kulan isugu soo horfariistaan magaalada Khartuum.

Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa lagu wadaa iney ku kulmaan xubnaha sare ee dawladda federaalka ku meelgaarka Soomaaliyeed iyo qaar ka tirsan maamulka maxaakiimta ee dhowaantan dagaalka kaga guuleystey ururkii isku magacaabey la dagaalanka argagixisada.

Kulankaasi oo ey gogosha dhigeen ururka jaamicadda carabta, ayuu madaxweyne Cumar Al-Bashiirka Suudaan ku caddeeyey iney ka go’an tahey sidii kulankaasi nabad loogu soo dabaali lahaa, si nabad waarta uga dhalato carriga geeska Afrika oo muddo 15-ban sannadood kor u dhaafeysa ku jirey dagaal sokeeye.

Kulanka ka dhici doona magaalada Khartuum oo ey dhaqaale gelinayaan sida ey sheegtey heeyadda AP dalalka Yaman iyo Itoobiya, iney shaki ka muujiyeen maamulka madaxda maxkamada islaamiga. Maadaama ey ka shaki qabaan iney waddammadaasi gacan saar leeyihiin maamulka dawladda Federaalka ee ku meelgaarka.

Sida wararku sheegayaan waxaa wafdiga dawladda horkici doona saddaex shakhsi ee ugu sarreeya maamulkaasi ee Cabdullaahi Yuusuf, Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo Cali Maxamed Geedi.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa intii aan gaarin magaalada Khartuum wuxuu booqashooyin ku kala bixin doonaa waddammada Itoobiya iyo Keenya. Halkaasina oo sida wararku sheegayaan uu dalka Keenya kula kulmi doono saraakiil ka socota wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda uga qeyb qaadan doonta kulanka ka dhici doona Suudaan dhinaca maxaakiimta. Hase yeeshee waxaa la ogsoon yahey oo keliya in ey goobtaasi tegi doonaan xubno ka kooban toban ruux.

Sida uu saxaafadda u sheegey Shariif Shiikh Axmed, in maxaakiimtu tegi doonaan magaalada Khartuum islamarkaana ey ku dadaali doonaan sidii ey wadahaddalladaasi nabad loogu soo dabaali lahaa. Isaga oo islamarkaana iska dheereeyey in aaney marnaba aqbali doonin shuruudaha ey dawladda Federaalku ku xirtey si ey meel u soo wada fariistaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".