Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Martin Adler oo Jimcadii ku naf waayey Muqdisho

Publicerat lördag 24 juni 2006 kl 17.55

Suxufi ku nafwaayey Muqdisho

Jimcadii ina soo dhaafte ayaa magaalada Muqdishu lagu diley suxufi sawirle ah ee u dhashey dalkan Iswiidhen Martin Adler.

Adler ayaa la sheegey in xabbad lala beegsadey isaga oo howl ka watey bannaan bax ka dhacayey magaalada Muqishu.

Goobta uu bannaanbaxu ka dhacayey oo ey isugu yimaadeen dad tiradooda lagu qiyaasey shan illaa iyo lix kun oo ruux, ayey goobtaasi ku sugnaayeen Martin Adler iyo suxufi isagu ka socdey dalka Danmark. Halkaasina xabad lala beegsadey oo uu ku nafwaayey Martin Adler.

Saacado kadib ayaa la sheegey in gacanta lagu dhigey haweeney lagu tuhunsan yahey iney falkaasi geeysatey.

Iyada oo aan illaa iyo hadda aaney caddeyn tuhunka haweeneydasi. Iyada oo dad goobtaasi ku sugnaa ey sheegayaan in shakhsiga dilka geystey uu ahaa nin.

Axmed ayaa ku dhawaaqey in dabagal lagu sameyn doono ciddii falkaasi geysatey islamarkaana la soo raagi doono maxkamad iyada oo sharciga la marsiin doono.

- Waxaa dhici karta in ey middaasi ka dambeeyeen awood damacsan sidii ey u wiiqi laheyd xaaladda maxaakiimta, sida uu sheegey Cabdullaahi Mukhtar Xassanow oo Muqdisho ku nool.

Shariif Shiikh Axmed oo shir jaraaid ku qabtey magaalada Muqdisho maanta oo sabtiya ayaa sheegey iney dabagal ku sameyn doonaan ciddii falkaasi geysatey illaa iyo inta gacanta ey ku dhigayan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".