Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Maxkamadda Göteborg oo go’aankeedii ku dhawaaqdey

Publicerat måndag 26 juni 2006 kl 15.56

Aabbe soomaaliyeed ee maxkamadda Göteborg ku ridey xukun  xarig ah iyo inuu bixiyo magdhow kor u dhaafeysa 300 oo kun oo koronka iswiidhishka ah

Maxkamadda Göteborg ayaa ku xukuntey afar sanno oo xarig ah iyo magdhow gaareya 300 oo kun oo koronka iswiidhishka inuu siiyo gabadhiisa. Kadib kolkii lagu soo oogey dacwad la xiriirta inuu kula kacey fal la xiriira gudniinka fircooniga gabadhiisa sannadkii ina soo dhaafey ee 2005-ta.

Sharciga gudniinka fircooniga ee ciddii ku xadgudubta lagu qaadayo dembi ayaa ka soo jeeda sannadkii 1982-kii.

Waana markii ugu horreysey ee dembi noocaasiya dalkan maxkamad lagu soo taago shakhsi arrimmahaa lagu eedeyneyo.

Sidoo kale waxaa aabbahaa soomaaliyeed lagu qaadey dembi la xiriira inuu ruqsad la’aan dalkan ka kaxeeyey uuna geeyey Soomaaliya laba caruur ah oo uu dhaley isaga oo aan ogolaansho ka heysan gabadhii caruurtaa dhashey.

Eedeysanahaa ayaa maxkamadda ka caddeeyey in aannu dembigaasi geysan, hase yeeshee ey garsoorayaashii maxkamaddu ku mideysnaayeen xukunkaasi dhacey.

Iyada oo ey halkaasina ka sheegeen in ey ku kalsoon yihiin markhaatiga gabadha dhibanaha.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".