Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xaaladda Soomaaliya oo laga deyrinayo

Publicerat måndag 26 juni 2006 kl 16.48

Xaaladda Soomaaliya ayaa laga deyrinayaa iyada oo dhowaantanna lagu diley magalada Muqdisho suxufi u dhashey dalka Iswiidhen mar howl ka wadey bannaanbax ka dhacayey fagaaraha terebuunka.

Sidaasi waxaa sheegey sarkaalka la yiraahdo Daniele Donati, ahna isku duwaha heyadda cunnada ee FAO u qaabilsan Qaramada Midoobey mucaawinada masiibooyinka iyo dib u dhiska qaaradda Afrika.

Islamarkaana wuxuu Donati sheegey in waayoaragnimada laga helo Soomaaliya ey berito noqon doonto mid laga faa’iideysto.

Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaan aheyn mid wanaagsan. Taasina waxaa markhaati cad u noqoneysa dilkii dhowaantan loo geystey suxufigii iswiidhishka ee Martin Adler, sida uu sheegey Donati.

Sidoo kale heyaddaha mucaawinada ee jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa ayaa marar badan hakad gelisey hoowlaheeda iyada oo aaney suurtagal aheyn in la hubiyo ammaanka shaqaalaheeda.

Iyada oo dalka Soomaaliya uu ahaa dawlad la’aan laga bilaabo sannadkii 1991-kii ayey haddana xaaladdiisi sii xumaatey laga bilaabo bishii Feebaraayo ee sannadkan 2006-da.

Dhibaatada ugu weynina ey ku habsatey haweenka iyo maatida. Sida uu sheegey Donati.

Dhibaatooyinka la xiriira cudurka dilaaga ee Hiv oo indhaha laga saabto

Dhibaatooyinka la xiriira cudurka dilaaga ee Hiv ayaa ah kuwo indhaha laga saabto, iyada oo dhowr sannadood horteed carrigaasi lagu diley gabar talyaani u dhalatey ee ku hoowlaneyd ku wacyigelinta dhibaatooyinka cudurkaa iyo gudniinka fircooniga ah.

Hase yeeshee faa’iidada keliya ee laga kororsadey xaaladda Soomaaliya ayaa ah waayoaragnimada laga heley ka howlgalka goobaha ey dhibaatooyinku ka aloosan yihiin, sida uu sheegey Daniele Donati oo ah sarkaal ka howlgala heyadda Fao ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa.

Haddii aan ku guuleysano howlaha aan ka wadno cariga Geeska Afrika, waxey noqon doonaan kuwo mustaqbalka wax ka tara ka howlgalka goobaha ey masiibooyinka iyo dagaallada sokeeye asiibaan, ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".