Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

DIGNIIN KU ABBAARAN MAAMULKA DAWLADDA MAREYKANKA

Publicerat fredag 30 juni 2006 kl 10.40

Madaxa ururka xagjirka ee Al-qaacida Usama ayaa ammaan u jeediyey Abu Musab Al-Zarqaawi oo ururka uga wakiilka ahaa dalka Ciraaq dhowaantanna ey ciidamada Mareykanku ku dileen dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu Usama Bin-ladin hanjabaad la beegsadey dalka Mareykanka, sida ku caddeyd cajalad maalintii jimcaha lagu baahiyey aaladda Internet-ka.

-          Libaaxii dagaalka xaqa ah ee Abu Musab Al-Zarqaawi ee ku geeriyoodey weerar ey ciidamada Mareykanku qaadeen. Waxaan alle ka rajeyneynaa inuu u garawsado mujaahid. Sida ku duubneyd cajaladdaa laguna sheegey inuu ahaa Usama Bin-Ladin.

Bin-Ladin wuxuu kaloo cajilkaa ku sheegey in uu halkiisii ka sii socon doono dagaalka uu Mareykanku kula jiro.

- Doonidda rabbi daraadeed ayaan jihaadkii halkiisii ka sii wadi doonnaa.

Ciraaq, Afgaanistaan, Soomaaliya iyo Suudaan-ba illaa aan dhaqaalihiina oo dhan ka gubno, raggiinanna ku leyno. Islamarkaana aad dalkiinii ku noqon doontaan idinka oo guuldarreystey. Sidii aan horreyba idiinka guuleysaney Soomaaliya, ayuu sheegey codka ku duubnaa cajilkaa.

Codkii cajilkaa ayey baaritaan ku heysaa heyadda sirta ee Mareykanku. Iyada oo illaa haddana wararka ka soo baxey sheegayaan inaan shaki laga qabin cidda hadleysaa.

Taasina oo macnaheedu tahey in hogaamiyaha ururka Al-Qaacida Usama Bin-Ladin uu markii afaraad sannadkan gudihiisa hanjabaad noocaasiya sii daayo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".