Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

AXMED YUUSUF OO LAGA QAADEY XAYIRAADDII DHAQAALE IYO MID XORRIYADEEDBA

Publicerat fredag 18 augusti 2006 kl 16.21
Xayiraaddii oo laga qaadey Axmed Yusuf

Dawladda Mareeykanka ayaa shaaca ka qaadey iney ka masaxdo liiskeeda argagixisada oo uu mudda shan sannadood ka diiwaan gashanaa Axmed Yuusuf, oo heysta dhalashada Iswiidhen.

Middaasina waxaa sheegey qareenkiisa Thomas Olsson. Sida lagu sheegey carriga Mareykanka.

Sidoo kale wasaaradda arrimmaha dibadda ee dalkan Iswiidhen ayaa warsaxaafadeed ey soo saartey ku sheegtey in habeenkii arbacada ey gaarsiiyeen heyadda qaramada midoobey iyo ururka midowga Yurub, sidii mid taa la mid ah ey iyaguna diiwaanka argagixisada uga saari lahaayeen Axmed Yuusf.

Sidoo kale qareenka Axmed garyaqaan Thomas Olsson oo aan wareysi la yeelaney ayaa noo sheegey in Axmed uu iminka ku suganaa caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kolkii warkaasi soo baxey uuna aad ugu farxey arrinkaa.

Xannibaadda saareyd muddada shanta sannadood gaareysa ayaa la xiriirtey iyada oo Axmed laga xannibey dhan dhaqaale iyo mid xorriyadeedba, haddey noqon laheyd dhaq-dhaqaaq.

Illaa iyo hadda lama oga tallaabada ku xigta ee sharciga ah ee Axmed Yuusf Qaadi doono , sida uu u sheegey idaacadda leyska daawado garyaqaan Thomas Olsson. Qareenku wuxuu kaloo noo sheegey in muddadii ey xannibaadaasi socotey aad loo ilaalin jirey culeyska la xiriira dhanka dhaqaalaha, balse kolka laga hadleyo dhanka safarka loo ogol yahey shakhsigu inuu dalka ka bixi karo balse aannu soo geli karin ama dal kale geli karin. Masuuliyaddaana ey ku saaran tahey hadba dalka uu geleyo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".