Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

XISBIYADA AFARTA EE LA BAXEY MIDOWGA ISWIIDHEN "ALLIANS FÖR SVERIGE OO HESHIIS EY U DHAN YIHIIN GO’AANSADE

Publicerat torsdag 24 augusti 2006 kl 17.25
Afarta xisbi ee mucaaradka oo ku heshiisyey maanifeesto ey u dhan yihiin

Muddo laba sannadood iminka laga joogo ayey markii ugu horreysey afarta xisbi ee mucaaradka ee la baxey ”isutagga iswiidhen” hogaamiyeyaashoodu kulan ku yeesheen hooyga Maud Olofsson - hogaamiyaha xisbiga dhexe Centerka. Kulan ey shaleyto yeesheen hogaamiyeyaashaasi ayaa la ayey maanta haddii ey ku guuleystaan markii ugu horreysey
taariikhda Iswiidhen ku soo bandhigi doonaan qorshe ey u dhan yihiin oo ey doorashada kaga qeyb gelayaan.

Kulankii ugu horreeyey ee hogaamiyeyaashu yeeshaan ayey ku go’aansadeen in xisbiyadaa laga dhex abuuro lix guddi ee ka soo shaqeynayey isu soo dhoweynta moowqifyada xisbiyadaasi ee dhammaan su’aalaha la xiriira qeybha kala duwan ee saameeya nolosha bulshada - dhaqaale, hab-wanaagga nolosha ”välvardsystemet”, illaa iyo siyaasaddooda arrimmaha dibadda, iyaada oo weliba loo qabtey muddo cayiman islamarkaana su’aalaha leysku mari la’aa loo daayey xalkooda hogaamiyeyaasha ku bahoobey ururka isutagga Iswiidhen.                                                                                                                                   

Sannad dabadii waxey hogaamiyeyaasha xisbiyadaasi kulan ku yeehseen aqalka hogaamiyaha xisbiga ee Kristendemokrat-ka ee magaalada Bankeryd, iyada oo natiijadii halkaasi ka soo baxdey go’aan iskula meel dhigeen dhimista cashuuraha, khidmadda la siiyo dadyoowga shaqa la’aantu heyso ee A-kassa-da iyo sidii loo dhiirigelin lahaa kor u kaca shirkadaha. 

Dhowaantan ayaa kulan ey hogaamiyeyaasha afarta ah uga socda magaalada gustavsberg waxaa la filayaa in ugu dambeynta ey goobtaasi kaga dhawaaqaan maanifeesto loo dhan yahey ee la xiriirta doorashada. 

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".