Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

CASHUUR/KHIDMAD

Publicerat torsdag 31 augusti 2006 kl 08.56

Cashuur sarreysa mise mid hooseysa – cashuur nooceeya?

Isugeyn cashuuraha laga qaado dalkan Skattekvoten (*) ayaa gaareysa 50 boqolkiiba, middaasina oo ka sarreysa guud ahaan khidmadaha laga qaado waddammada xubnaha ka ah ururka midowga Yurub.

Guud ahaan xibiga talada dalka haya iyo xisbiyada ey xulufada yihiin waxey qabaan in halkeeda ey ka sii jiraan cashuurtaa sarre, si loo dhaqaale geliyo habwanaagga nololosha. Xisbiyada midigtu waxey dooneyaan in cashuuraha hoos loo dhigo si shakhsigu dhaqaale dheeriya ey jeebkiisa u soo galaan islamarkaana ey in kabadan bixin adeegyada la xiriira habnololeedka wanaagsan (*).

Waa kuwee khidmadaha leysku hardineyaa doorashadan?

Cashuuraha dakhliga

Dawladda iyo degmooyinka waxaa ka soo gala cashuuraha dakhliga shaqooyinka sannakiiba lacag tiradeedu gaareyso 470 milyaardi oo koronka iswiidhishka ah. Sannadihii ugu dambeeyey ayaa hoos loo dhigey cashuuraha. Xisbiyada S, v iyo mp waxey guud ahaan isku raacsan yihiin in cashuuraha ey sidooda ahaadaan. Xisbiyada mucaaradku waxey qabaan in hoos loo dhigo cashuuraha dakhliga qiimo gaareya qiyaastii 82 milyaardi labada sannadood ee ugu soo horreysa.

Dhimistaa cashuurahaa waxaa lagu dhaqaale gelin doonaa iyada oo hoos loo dhigo dhaqaalaha dawladda kaga baxa ceymisyada bulshada iyo iyada oo la waajibiyo korna loo qaado a-kassa-da.

Khidmadda laga qaado hantida ma guurtada ”FASTIGHETSSKATTEN”

Sannad walba waxaa dawladda ka soo gala cashuuraha laga qaado hantida ma guurtada miisaaniyad gaareysa 25 milyaardi ee koronka iswiidhishka.

Cashuuraha hantida aan guurin ayaa lagu waajibiyey guryaha yar yar, kuwa kirada loogu jiro, dhismooyinka kale ee kala duwan iyo dhismooyinka goobaha shaqadaba. Ugu badnaan waxey dadweynuhu cashuurtaa ku bixiyaan 4 boqolkiiba dakhliga soo gala.

Xisbiga talada dalka haya, v och mp ayaa dooneya in la yareeyo cashuuraha noocaasiya ee laga qaado dhismooyinka loo isticmaalo xilliyada fasaxa ”fritidshus” (*) iyo dhismooyinka qiimahoodu kor u dhaafsiisan yihiin 3 malyuun. Wixii intaa dheer intooda iney intooda ahaadaan.

Xisbiyada midigta waxey doonayaan in marka hore hoos loo dhigo dhammaan cashuurtaa, iyada oo goolkuna yahey sidii dhammaanteed loo baabi’in lahaa. Sannadka soo socda waxaa hoos loogu dhigi doonaa iyada oo marka ugu horreysa la qaboojiyo ama daaha la saaro qiimeynta dhismooyinkaa, taasina oo joojineysa in cashuurahaasi kor u kacaan sannadka foodda innagu soo haya ee 2007-da. Intaa waxaa dheer in loo yeelo saqaf sare, si loo jaro dhinacyada y cashuurtaasi kor aadka ugu kacdey sannadihii ugu dambeeyey. Middaasi waxey macnaheedu tahey in qiimaha dhulka lagu ekeeyo ugu badnaan 5000 oo koron. Mustaqbalka waxaa lagu tala jiraa haddii ey awoodda ku guuleystaan xisbiyada midigtu in la baabi’iyo dhammaan cashuurta ra’sumaalka aan guurin, islamarkaana lagu bedelo khidmad hooseysa ee degmooyinku qaadaan.

Cashuur loogu tala galey cimilada ”GRÖN SKATTVÄXLING”

Cashuurta cimilada – Waxaa loola jeedaa in ” la kor loo qaado cashuuraha laga qaado macaadiinta dhulka hoostiisa laga soo saaro iyo kuwa cimilada waxyeelada u geysanaya, iyada oo dakhliga dawladda ka soo galaana loo adeegsaneyo sidii lagu yareyn cashuuraha laga qaado goobo kale haba ugu horreysaa tan dakhliga ee shaqada. Khidmadda dabiicadda ayaa gaareysa inta u dhaxeysa 2001 illaa iyo 2010 30 milyaard oo koronka iswiidhishka ah. Iyada oo sannadkan 2006-da gaarsiisan tahey 3,6 milyaard oo koron.

Xisbiyada midigtu waxey qabaan in khidmaddaasi tahey mid lagu guul darreystey, islamarkaana horseedeysa oo keliya shidaalka oo ku qaaliyooba warshadaha iyo hooyga sidaa daraadeedna ey ku tala jiraan sidii gdhammaanteed loo baabi’in lahaa.

Cashuurta hantida ”FÖRMÖGENHETSSKATTEN”

Sannadkii 2005-tii waxaa khasnadda dawladda ka soo galey cashuurta mulkida dhaqaale gaaraya 5,5 milyaard oo koron.

Cashuurta mulkida waxaa lagu waajibiyey shakhsi walba ee keli ah, leh mulki kor u dhaafeysa ugu yaraan 1,5 miljoner kronor ama ey laba yihiin (xaas ah) ee leh mulki kor u dhaafeysa 3 maljuun oo koron. Kadib kolkii wax laga bedeley sharcigaa ayey hoos u dhaceen dadyoowgii bixin jirey khidmadda: Sannadkii 2000 waxey tirada dadyoowgaasi gaarsiisneyd tiradoodu 700 000, halka sannadkii hore ey bixiyeen tira gaareysa 200 000.

Xisbiyada S, v och mp ayaa qaba in cashuurtaasi halkeeda ka sii jirto, halka xisbiyada midigtu damacsan yihiin sidii lagu baabi’in lahaa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".