Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

ISKUULKA

Publicerat torsdag 31 augusti 2006 kl 08.57

Xilliga shahaadooyinka oo la soo hormariyo?

Siyaasadda iskuulku waxey ka mid tahey arrimmaha ugu muhiimsan ee darashada sannadka. Dugsiyadda hoose dhexe ee dalka ayey dhigtaan ardey tiradoodu gaareyso hal malyuun, halka ey dugsiga sarena dhigtaan ardey kor u dhaafeysa 350 000. Iskuulaadka badankood waa kuwo ey degmooyinku maamulkooda leeyihiin. Tobankiiba mid ayaa ah iskuullo gaar loo leeyahey ”friskolor”.

Sannadkii waxaa iskuulaadka ku baxa miisaaniyad gaareysa 100 milyaard oo koron.

Iyada oo sannad walba ey iskuulaadkaa ka baxaan dhallaan aaney buuxin heerkoodii tacliineed. Tusaale ahaan 9 boqolkiiba ayaa ka baxa dugsiyada hoose/dhexe iyaga oo aan aqoon ku filan ka heysan mid ka mid ah maadooyinka waajibka ah (*).

Sidaa daraadeed ayey xisbiyada oo dhami ugu ololeynayaan sidii iskuulaadka ey u siin lahaayeen miisaaniyad dheeri ah islamarkaana looga hortegi lahaa kala faqooqnaanta ardeyda. Kala duwanaanta ugu weyn ee xisbiyada ku bahoobey bidixda iyo midigta ayaa ah shahaadada oo ey xisbiyada mucaaradku dooneyaan in la waajibiyo wakhti ka horreeya sida maanta. Xisbiga shacabka Fp iyo kristendemokrat-ka Kd ayaa hoosta ka xariiqaya in la adkeeyo habdhaqanka (disipliinka) iskuulaadka. Xisbiyada midigta iyo iyo kan cimilada ayaa dooneya tira ka badan tan maanta ee iskuulaadka mulkida loo leeyahey.

Xisbiga talada dalka haya, kan bidixda iyo xisbiga cimilada ayaa qaba in xoogga la saaro sidii looga hortegi lahaa kala faqooqnaanta iskuulaadka ka jirta. Iskuulaadka dhibaateysan ayaa loo qoondeeyey miisaaniyad gaareysa 225 malyuun labada sannadood ee foodda innagu soo heysa. Iskuulaadka ku yaala xaafadaha ey ajnabigu ku badan yihiin ayaa loo qoondeeyey miisaaniyad lagu shaqaaleyneyo 1000 ruux oo hor leh gacanna ka geysta. Sidoo kale waxaa miisaaniyad loogu tala galey degmooyinka si ey tacliin ugu dhigaan xilliga kuleeylaha ee fasaxa ardeyda dhibaatadu kala soo gudboonaatey waxbarashadu. Xisbiyada bidixdu doonimayaan in imtixaano shahaado lagu siineyo laga qaado dhallaanka dhigta fasallada hoose. Waxaa ku filan ayey leeyihiin ka xaajoodka xaaladda ardeyga ”utvecklingssamtal” (*).

Halka ey ka mideysan yihiin xisbiga talada dalka haya iyo kan bidixdu in halkiisii laga sii wado shuruudda xaddideysa iskuulaadka gaarka loo leeyahey iyo in aan la ogolaan iskuullo noocaasiya ee ku shaqeeya faa’iido ka helid ayuu xisbiga cimiladu Mp qabaa in la sii kordhiyo tirada iskuulaadka gaarka loo leeyahey middaasina ey ka mideysan yihiin xisbiyada mucaaradka ee midigtu, taasina oo suurtagelisey in koowdii bishii Juulaay uu hirgaley sharci arrinkaa ogolaanaya.

Xisbiyada mucaaradka ee midigta waxey qorsheynayaan:

* In la hirgeliyo horeyna loo soo dhigo, lana kordhiyo xilliga shahaadada ee iskuulaadka ( xisbiga Kd wuxuu qeexay kalaaska lixaad)

* Gool-qarameedka (*) in luuqadda iswiidhishka xilliga imtixaanka leysaga qaadeyo laga bilaabo fasalka saddexaad

* In laga dhigo fasallada saddexaad, shanaad iyo sideedaad kuwo tijaabo ee laguna qaado imtixaanno dalka oo dhami ka siman yahey (*)

Xisbiga shacabka Fp wuxuu qabaa in qiimeyn lagu sameeyo shahaadada (*) iyo weliba suurtagallo la xiriira in hablaha ey geli karaan fasallo u gaar ah.Xisbiga kristendemokrat-ku Kd wuxuu qabaa in si qoraal ah qiimeyn loogu sameeyo kolka ilmuhu dhigtaan fasalka koowaad ( wx u dhigma shahaado) islamarkaana ka maqnaanshaha waxbarashada ey noqoto mid shahaadada lagu muujiyo.

Barashada luuqadda hooyo

Xisbiga talada dalka haya s iyo kuwa ey xulufada yihiin ee v iyo mp waxey ka mideysan yihiin in iskuulaadka la gaarsiiyo miisaaniyad si ey u suurtageliyaan maadooyin ( sida xisaabta) in ardeyga loogu dhigo luuqaddiisa hooyo iyo weliba in kor loo qaado heerkooda tacliineed maclimiinta dhiga maadada luuqadda hooyo.

Guud ahaan waxey xisbiga bidixda iyo kana talada dalka hayaa ku mideysan yihiin in xaaladdu sida maanta ahaato. Halka uu xisbiga Cimiladu soo jeedinayaa iney xaq u yeeshaan dhammaan ardeyda dhigata dugsiyada hoose/dhexe barashada afkooda hooyo, ee aan ku xirreyn oo keliya in marka hore shuruudaha la buuxiyo ( shuruudaha maanta jira waxaa ka mid ah in la helo bare u qalma, in ugu yaraan shan ardey ee isla degmada ku wada nool dooneyaan barashada afkooda hooyo iyo in ardeydu horey wax uga yaqiineen luuqaddaasi).

Xisbiga Kristendemokrat-ka ayaa qaba in xitaa ardeyda dhigata dugsiyada sare loo suurtageliyo xisooyin la xiriira barashada afkooda hooyo, islamarkaana degmooyinka lagu waajibiyo middaa haddii ardeyda dhigataa ka yar yihiin shan.

Xisbiga dhexe ayaa qaba in iskuulaadka waayo aragnimada wanaagsan u leh ku dhigidda maadooyinka luuqadda hooyo ee ardeyga ey u noqdaan iskuulaadka kale muraayadd iyo sidii ardeydaa aaladda Internetka ey ugu siin lahaayeen kuwooda baahida u qaba.

Fiiro gaar ah! Midda la xiriirta ardeyda ku hadasha luuqada Saamiga, tuurnedalisfinish-ka ama roomanka ayaan u baahneyn in tiradoodu ey shan ardey gaarsiisan tahey si degmadu ugu suurtageliso barashada luuqaddooda hooyo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".