Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kulankii deeqbixiyeyaasha oo ka furmey Istockholm

Publicerat torsdag 31 augusti 2006 kl 14.45
Persson iyo Siniora

Caasimadda dalka Iswiidhen ee Istockholm waxaa 31-ka Agoosto, maalin khamiis ah iyo 1-da bisha September Jimcada ka dhacaya kulan ey isugu ey isugu imanayaan wakiilo ka socda waddammo cagacageynaya konton iyo wufuud ka kala socota heyadaha kala duwan ee caalamka.

 

Kulankan oo uu abaabulkiisa lahaa dalka Iswiidhen ayaa looga gol leeyahey sidii dhaqaale loogu ururin lahaa dib u dhiska dalka Lubnaan, iyo xaaladda bani’aadminimo ee carriga Falastiin.

Sarakiisha qabanqaabineysa kulankaa ayaa sheegey iney saadaalinayaan dhaqaale gaareya 3,5 milyaard ee koronka Iswiidhishka in halkaasi dawladaha ka soo qeybgelaya ey ku yaboohaan.

Qabashada kulankan ayaa eedeymo kala duwani hareeyeen, iyada oo wasiirka deeqda ee dalka Iswiidhen Carin Jämtin ey arrimahaa iska fogeysey.

Jämtin ayaa sheegtey iney kulankan dawladdeedu ka fileyso saddex arrimmood.

Ballan qaad dhaqaale. Bixinta dhaqaalahaasi sida ugu dhakhsiyaha badan iyo midda saddexaad ka qeybqaadashada dib u dhiska ee dalkaasi. Waxaa sannadkan dhammaadkiisa kulan isaguna lagu qaban doonaa magaalada Beyruud ee caasimadda Lubnaan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".