Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Codka Sri 20060901

Publicerat fredag 1 september 2006 kl 13.20
Aabbe soomaaliyeed ee afar sannadood oo xarig ah lagu xukumey horaantii sannadka 2006

Maanta oo Jimca ah ayaa maxkamadda magaalada Mölndal la hor keeney gabar soomaaliyeed oo 42 jir ah laguna soo eedeeyey iney gudniinka fircooniga ah u geysatey gabadheda sannadkii 2000.

Dacwooyinka lagu soo ogey eedeysanahaa ayaan illaa iyo hadda caddeyn, middaasina ugu wacan tahey maxkammadda oo ah mid xiran.

Hooyadaa soomaaliyeed ayaa xabsiga loo taxaabey bartamihii sannadkan iyada oo lagu eedeyneyo dacwooyin ka dhan ah ee la xiriira gudniinka fircooniga ee hablaha, jirdil iyo faraxumeyn.

Beryahan dambe ayaa qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan Iswiidhen markii labaad muddo aan sidaa u dheereyn dacwad noocaasiya maxkamad loo soo taagey ----aabbe soomaaliyeed ee maxkamadda Göteborg ku ridey xukun xarig ah iyo inuu bixiyo magdhow kor u dhaafeysa 300 oo kun oo koronka iswiidhishka ah inuu siiyo gabadhiisa. Kadib kolkii lagu soo oogey dacwad la xiriirta inuu kula kacey fal la xiriira gudniinka fircooniga sannadkii ina soo dhaafey ee 2005-ta.

Sharciga gudniinka fircooniga ee ciddii ku xadgudubta lagu qaadayo dembi ayaa ka soo jeeda sannadkii 1982-kii.

Waana markii ugu horreysey ee dembi noocaasiya dalkan maxkamad lagu soo taago shakhsi arrimmahaa lagu eedeyneyo.

Sidoo kale waxaa aabbahaa soomaaliyeed lagu qaadey dembi la xiriira inuu ruqsad la’aan dalkan ka kaxeeyey uuna geeyey Soomaaliya laba caruur ah oo uu dhaley isaga oo aan ogolaansho ka heysan gabadhii caruurtaa dhashey.

Eedeysanahaa ayaa maxkamadda ka caddeeyey in aannu dembigaasi geysan, hase yeeshee ey garsoorayaashii maxkamaddu ku mideysnaayeen xukunkaasi dhacey.

Iyada oo ey halkaasina ka sheegeen in ey ku kalsoon yihiin markhaatiga gabadha dhibanaha.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".