Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i ett batterilager med kraftig rökutveckling som följd. Räddningsledare uppmanar alla som befinner sig i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Malmöhus.
(Publicerat idag kl 12.55)
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

DAADAD DHIBAATOOYIN KA RIDEY BARIGA AFRIKA

Publicerat fredag 1 september 2006 kl 16.52
Wiil da'yar oo dhex qaadaya xoolo abaari leysey

Codka Sri. 01 sep. Abaaro iyo roobab sita daadad fara badan ayaa sababey geeri iyo dhibaato la soo gudboonaata waddammada ku yaala cariga bariga Afrika, sida ey sheegtey heyadda Qaramada Midoobey

Iyada oo ey la soo gudboonaatey dad tiradoodu gaareyso 11 malyuun, badankood beeraley abaaro iyo gaajo, ayaa iminka waxaa fara ba’an ku haya roobab xooggan ee daadad ey la socdaan waddammada dhaca bariga Afrika ee Itoobiya, Kenya, Eriteriya, Ugaandha, Suudaan iyo Soomaaliya

Wixii laga soo bilaabo bishii Juun ee sannadka waxaa ku geeriyoodey dad tiradoodu gaareyso 1 000 ruux, halka tiro 100 000 kor u dhaafeysa ka qaxeen guryahooda.

” Boqolaal kun ee ruux guryahoodiina ka qaxey ayaa u baahan taageero deg deg ee caalamiya”, sida ey sheegtey war laga soo xigtey heyadda isku dubba ridka ee kaalmada Qaramada Midoobey ee loo yaqaan Ocha,

Daadadkaa ayaa dhibaatooyin ku haya shaqaalaha heyaddaasi sidii ey ku gaari lahaayeen amaba gacan ugu fidin lahaayeen goobaha ey ku sugan yihiin dadyoowga waxyeelooyinku soo gaareen.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".