Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

HESHIIS NABAD WARQAD UN KU QORAN OO LA FILEYO INEY KOOXAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA KU HARDAMAYA WADA GAARAAN

Publicerat tisdag 5 september 2006 kl 15.53
Xubno ka tirsan wafdigii maxaakiimta ee Khartuum

Codka Sri. 05-Sep. Wadahaddalladii nabadeed ee magaalada Khartuum uga socdey dawladda Federaalka ee ku meelgaarka iyo xubnaha Maxaakiimta ayaa lagu soo saarey heshiis bayaan nabadeed kuna wajahan sidii ey labada dhinac u dhisan lahaayeen ciidan milateri iyo mid nabad ilaalin (boliis) ee ey u dhan yihiin, hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in uu middaasi dhantaalo iska soo horjeedka ku wajahan ciidamo nabad ilaalineed ee dibadda laga keeno.

Heshiiska Khartuum ey labada dhinac ku gaareen kana dambeeyey kulan halkaasi uga socdey muddo saddex maalmood ah wuxuu ka kooban afar qodob, iyadoona uu dhinacyadaasi dhex-dhexaadinayey ururka Jaamicadda Carabta

Xubnaha labada dhinac ayaa heshiis ku gaarey in la dhowro heshiiskii ey kuleylaha labada dhinac horey u wada gaareen, kaasina oo horistaageya in ciidamo ka socda dawladaha deriska ey dalka yimaadaan.

Xubnaha ka socda labada dhinac ayaa soo dhoweeyyey heshiiskaa qalinka lagu duugey kuna tilmaamey mid taariikhiya ee wax ku ool u noqon kara sidii umadda leysugu soo dhoweyn lahaa, islamarkaana nabad loogu soo dabaali lahaa masiibada Soomaaliya ku habsatey.

Heshiiska lagu gaarey caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum ayaa doodihii la xiriirey ey halkoodii ka sii socon doonaan, iyadoona dhammaadka bisha Oktoober – kolka ey dhammaato bisha barakeysan ee Ramadaan dib kulan ey labada dhinac isugu iman doonaan looga doodi doono sidii awoodda loo qeybsan lahaa.

Ciidammada nabad ilaalinta

Maalinta salaasada ayaa sidoo kale dalka Keenya waxaa ka dhici doona kulan ey isugu yimaadaan urur goboleedka IGAD loogana doodi lahaa ciidamo shisheeye ee dalka la keeno, middaasina oo ey hor boodeyso dawladda Federaalka ee ku meelgaarka, halka ey Maxaakiimtuna ka soo horjeedaan.

-          Waxaan uga digney in haddii ciidamo shesheeye dalka la keeno uu heshiiskii halkaa ku dhamaadey, sida uu sheegey hogaamiyaha Maxaakiimta Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".