Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

KULANKII MADAXDA IGAD OO AAN LOO DHAMMEYN OO KA FURMEY CAASIMADDA KEENYA

Publicerat tisdag 5 september 2006 kl 16.33
Madaxda IGAD oo ku kulmaya Neyroobi

Codka Sri. 05-Sep. Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shirkii Madaxda dalalka IGAD, kaasoo looga xaajooneyo ciidammo shisheeye ee nabad ilaalin oo la keeno Soomaaliya iyo miisaaniyadda ciidammadaas ku baxaysa.

Madaxda Shirkaan ka qaybgalaya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Atto Miles Zenawi, waxaana ka maqanaa Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti, Eritrea, Ugaandha iyo Sudan.

Lama sheegin sababta dhabta ah ee ey ku maqan yihiin madaxdaxdaas marka laga reebo Madaxweynaha dalka Jabuuti oo isagu safar ugu maqan dhanka dalka Iiraan oo uu xilliyadii ugu dambeeyay ku sugnaa, waxaase sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in maqnaasha Madaxweynaha Sudan ay tahay shirka Soomaalida awgiis.

Madaxdaan shirka ka qaybgalaya ayaa waxay sheegeen inay sii wadayaan shirka isla markaana u xayirnaanayn xubnaha ka maqan.

Arrintaan ayaa haddii ay dhaqan gasho waxay dhaawici kartaa heshiiskii xalay ku soo gabagaboobay dalka Sudan, kasoo ay gaareen Wufuud ka kala socota Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Muqdisho.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".