Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lars Leijonborg oo lagu dhaleeceeyey inuu daaha saarey arrin uu horey u ogsoonaa

Publicerat onsdag 6 september 2006 kl 12.41
Lars Leijon Borg, hogaamiyaha xisbiga Folkpartiet iyo Johan Jakobsson, madaxa xoogheynta xisbiga oo shir jaraa'id qabtey

Johan Jakobsson oo ah xoghayaha xisbiga shacabka ama Folkpartii-ga ayaa shaleyto oo Salaasa aheyd iska casiley jagadii uu xisbiga ka hayey, kadib kolkii uu qirtey inuu ka warhayey illaa bishii Maarso oo uu si sharcidarro ah xubin xisbigaasi ka tirsan ku geli jirtey una isticmaali jirtey bog gaar ah oo uu leeyahey xisbiga Socialdemokrat-ka.

Madaxa xibiga Lars Leijonborg ayaa warbixintaa la gaarsiiyey gelinkii dambe ee Axaddii ina soo dhaaftey, hasde yeeshee aan ku dhawaaqin illaa iyo maalintii salaasadda ee shaley in arrinkaasi ahaa amid uu maamulka xisbigu ka war hayey.

- Sida uu sheegey Leijonborg in baaritaankii ey middaa ka sameeyeen ku caddaatey in Per Jodenius oo ah xubintii xisbigaa ee falkaasi ku kacdey uu dhowr jeer warbixin middaa ku saabsan la socodsiiyey xooghayaha warfaafinta ee xisbiga Niki Westerberg oo iyaduna si ku meel gaar ah isaga casishey jagadii xisbiga iminkana ey dacwadi ku socoto.

Sidaa si la mid ah waxaa isagana laga fariisiyey hoowshii uu ka hayey wargeyska maalinlaha ee Expressen, suxufi ka howlgala, maadaama uu ka war hayey si furranna u geli jirey bogga internetka ee xisbiga Socialdemokratka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".