Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Urur goboleedka IGAD oo ansixiyey ciidamo loo diro Soomaaliya

Publicerat fredag 8 september 2006 kl 15.29
Madaxweyne Mawai Kibaki iyo Ra'iisel wasaare Meles Zanawi

Kulankii ka dhacay magaalada Nairobi eyna ka qeyb galeen e xarunta dalka Kenya eyna ka qeyb galeen hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD lagu ansixiyey in ciidamo loo diro Soomaaliya.

Kulankan oo ey goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro kasocda dalalka Ugandha iyo Sudan, waxaa laga soo saaray qodobo dhawr ah oo ay ku jirto in ciidamo la geeyo dalka Soomaaliya, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan loo dar dar geliyo diyaarinta Ciidamada IGADSOM.
Shirkan ayay hogaamiyaasha IGAD ku sheegeen in ay kusoo dhaweenayaan heshiiskii ka dhacay khartuum ee Dowlada Soomaaliya iyo Maxkamadaha islaamiga ah, isla markaana in la sii wado wadahadallada dhinacyada isku hardinaya siyaasadda Soomaaliya.
IGAD ayaa ugu baaqday Midowga Afrika inuu sida ugu dhakhsaha badan usoo diyaariyo dhaqaalaha ay ku hawl geli doonaan ciidamada IGAD.
Dalalka Jabuuti iyo Eritereya ayaan ayagu shirka kasoo xaadirin wax wafuud ahna usoo dirin.
Raphael Tuju Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Kenya oo warsaxaafadeed soo saaray shirkaasi kadib wuxuu sheegay in waddammo kale oo Afrikaan ah la filayo in ay ku deeqaan ciidamada la geenayo dalka Soomaliya, ayadoo lala kaashanayo Midowga Afrika.
IGAD ayaa ugu baaqday in Ummada Soomaalida iyo dhamaan Beesha Caalamka ay taageerto Ciidamada la geenayo dalka Soomaaliya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".