Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cudurka "Dabeysha" oo dalka Soomaaliya ku sii faafaya.

Publicerat fredag 8 september 2006 kl 17.13
Tuulada Tosweyn oo dhallaan soomaaliyeed laga tallaaleyo cudurka Dabeysha

Haddii aan wax laga qabanna looga cabsi qabo qatar la soo gudboonaata dhallaanka ku dhaqan dhammaan waddammada dhaca geeska Afrika.

Heyadda Qaramada Midoowdey, laanteeda u qaabilsan caafimaadka ayaa ka biloowdey barnaamij la xiriira sidii looga tallaali lahaa dhallaan gaareya saddex malyuun cudurka ”dabeysha”  ee uu dhaliyo Viiruska ”Poliomyleit”

Tallaalkaasina oo ka biloowdey dalalka Itoobiya, Keenya iyo Soomaaliya.

-          Dadyoowga reer guuraaga ah ee carrigaasi ku dhaqan ayaa isaga goosha

Dalalkaa xilli walba, si haddaba loo badbaadiyo dhallaankooda ayey la xiriirtaa howshani,sida uu sheegey dhakhtar Maxamed Daahir Ducaale, kana howlgala heyadda caafaamiaad ee caalami ah xarunteeduna tahey magaalada Neyroobi ee caasimadda dalka Keenya.

Laga soo bilaabo bishii Juulaay ee sannadkan ayaa cudurka dabeyshu ku dhacdey dhallaan soomaaliyeed ee tiradoodu kor u dhaafeyso 200, halka dalka Itoobiya laga heley 37. Iyadoona laga cabsi qabo inuu uga yimid carriga Soomaaliya.

Heyadda Qaramada Midoowdey ayaa adduunweynaha ka codsatey dhaqaale gaareya 11 malyuun oo doolarka mareykanka sidii loola dagaalami lahaa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".