Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Saacadda kolkey tahey siddeedda fiidnimo oo albaabada loo laabi doono goobaha doorashadu ka dhacayaan

Publicerat söndag 17 september 2006 kl 18.59
Doorashadii oo saf loogu jiro goob ka tirsan xaafadda Rinkeby

Sannadka waxaa codeynta baarlamanka xaq u leh iney ka qeyb qaataan dad tiradoodu gaareyso toddoba malyuun oo ruux. Nus malyuun dadkaasi ka mid ahina waxey codeyn karayaan markii ugu horreysey noloshooda.

Xisbiyada afarta ee mucaaradka ayaa jabiyey dhaqankii ahaa in aan maalinta doorashada la sameyn howlo la xiriira soo jiidashada cod. Hogaamiyeyaasha xisbiyadaasi ayaa si wada jir ah waxey socod ugu mareen faras magaalaha Istockholm iyagoona ey weheliyaan dadyoow ka mid ah shaqaalihii u ololeynayey intii lagu jirey tartankii doorashada.

Sharciga doorashada ee dalka ayaa dhigaya in aan wax olole ah aaney xisbiyadu ka dhigi kareyn goobaha codeynta, hase yeeshee aan la diidaneyn wixii intaasi dhaafsiisan.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".