Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madaxweynaha dawladda federaalka kumeelgaarka ee Soomaaliya oo leysku dayey in qarax lagu dilo

Publicerat fredag 22 september 2006 kl 12.59
Qaraxii dilkii leysku dayey in lagu dilo madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed ee magaalada Beydhabo

 

Codka Sri. Isniin 18/sep.

Maalintii Isniinta ayaa leysku dayey in qarax lagu dilo madaxweynaha dawladda Federaalka ku meelgaarka Cabdullaahi Yuusuf Axmed, mar uu marayey meel aan dheereyn xarunta baarlamaanka ee magaalada Beydhabo, uuna ku socdey xarunta uu deggen yahey.

Isku daygaasi dil ayaa keeni kara sida qubarradu sheegayaan inuu sii cakiriyo xaaladda siyaasadeed ee khilaafka u dhaxeeya dawladda iyo ururrada  maxaakiimta.

Gaari ayaa lala beesdey kolanyadii baabuurta uuna mid ka mid ah saarnaa madaxweyne Cabdullaahi Yuusf, halkaasina oo uu qarax ballaarani ka dhacey.

- Waxaan arkey gaari cad oo ku qarxay meel aan ka dheereyn xarunta baarlamanka, qaraxii halkaasi ka dhaceyna uu baabi’iyey toddoba gaari oo kale, sida uu sheegey Sahad Maxamed oo ka mid ahaa goobjoogayaashii halka uu qaraxu ka dhacey, mar uu u warramayey heyadda AFP.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in rubuc saac dabadeedna uu qarax kale isla goobtii ka dhacey.

Kow iyo toban ruux ayaa ku geeriyoodey

Ugu yaraan 11 ruux ayaa lagu soo warramayaa iney ku geeriyoodeen qaraxyadaasi, kuwaasina oo ey ka mid yihiin saddex, dadyoowgii falka ku kacey ah, sida uu sheegey wasiirka arrimmaha dibadda, Ismaaciil Hurre oo khadka telefoonka ugu warramayey isaga oo ku sugan magaalada Neyroobi ee dalka Keenya. Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegey in shan ka mid ah dadyoowgii geeriyoodey ey la socdeen kolonyadii baabuurta ee madaxweynaha.

Sida ey sheegtey heyadda wararka ee AFP, in mid ka mid ah dadyoowga halkaasi ku geeriyoodey uu ka mid ahaa da’dii ka yareeyd ee madaxweynaha, jago sarena ka hayey ciidammada ammaanka ee madaxweynaha.

Islamarkaana xabado halkaasi leysku dhaafsadey ey ku nafwaayeen lix ka mid ah dadkii weerarka soo qaadey.

Laba lagu tuhunsan yahey iney lug ku lahaayeen falkaa oo gacanta lagu dhigey

Sida uu sheegey wasiirka arrimmaha dibadda Hurre in falkaasi la mid yahey falalka ey isticmaalaan ururka argagixisada ee Al-Qaacida. In gaari ey ka buuxaan aaladda qaraxdaa la agdhigey gawaari kale, iyadoona laga shidayey qaraxaa meel aan ka dheereyn.

- Falkani wuxuu aha amid loogu talagaley in lagu dilo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, islamarkaana lagu qaso ammaanka carriga geeska Afrika.

Cidda weerarka soo qaadey ayaa ka warheysey in madaxweynuhu qudbad ka jeedin lahaa xarunta baarlamaanka, sida uu sheegey wasiirka arrimmaha dibaddu.

Wasiirka arrimmaha gudaha Maxamed Faarax Ceydiid oo u warramayey idaacadda wararka ee Al-Jaziira, ayaa kadib sheegey in aan weli xaqiiq loo heyn in falkani ey ka dambeeyeen ururka argagixisada ee Al-Qaacida.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".