Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

WASIIRKA KOOWAAD EE DALKAN ISWIDHAN OO DHISAY DOWLAD CUSUB

Publicerat fredag 6 oktober 2006 kl 12.37

Maalintii shalay ee bisha Oktoobar 5ta ahayd ayaa baarlamaanka cusub ee dalka Iswidhan u doortay jagada Wasiirka koowaad, hogaamiyaha xisbiga moodaraadka mudane Fredrik Reinfeldt, oo isaguna saaka oo bishu 6 tahay soo bandhigay qorshaha ama barnaamijka uu doonayo in dalka lagu dhaqo 4ta sano ee soo socda kuna  dhawaaqay dowladiisa cusub.

Wasiirka koowaad ayaa saaka khudbadiisii dhisitaanka dowladda ku bilaabay in ay dowladani noqon doonto mid furan oo wadani walba dhegeysata, wada shaqaynna la yeelandoonta cid walaba oo dooneesa in Iswishan  hore u marto

Fredrik Reinfeldt  oo ka hor hadlayey baarlamaanka ayaa ku dheeraaday in hawsha ugu culus ay tahay abuuritaanka shaqada, wuxuna yidhi

Dad intii hore ka badan oo awooda doonayana waa in fursad loo siiyaa in ay ku noolaadaan shaqadooda ama furtaan shirkado ay iyagu leeyihiin. Waa in dad intii hore ka badani ka qayb qaataan dhismaha dalka, iswidhanna waxa ay noqoneesaa dal is haysta oo qaybaha bulshada iyo gobolada kala duwanba ay yartahay farqiga nololeed ee u dhexeeyaa.

Xagga arimaha is dhexgalka ayuu Fredrik Reimfeldt ku bilaabay in siyaasadda dalka ee dhinacaasi illaa iyo hadda ahayd mid lagu guuldaraystay wuxuuna intaa ku daray waa in aynnu wax ka baranaa wadamada kale siyaasadahooda is dhexgalka, tusaale ahaan muhimadda ay aqoonta afku u leedahay wadaninimada qofka iyo qiimaha ay leedahay isku xirnaanta qaxootinimo iyo shaqo doon ee soo galootigu si ay taasi u fududayso is dhexgalka.

Hadaba dowladdii uu maanta dhisay Fredrik Reimfeldt ayaa ka kooban wasiirada magacyadoodu hoos ku qoranyihiin.

Wasiirka koowaad (ra’iisal wasaaraha):  Fredrik Reinfeldt (m)

Wasiirka Arimaha debedda:  Carl Bildt (m)

Wasiirka bulshada (arimaha gudaha): Hoggaamiyaha xisbiga kiristaka dimiqraadiga Göran Häglund (kd)

Wasiirka kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha ( näringsminister): Hoggaamiyaha xisbiga dhexe (center) Maud Olofsson ©

Wasiirka waxbarashada (cilmi baarista iyo tacliinta sare): Hoggaamiyaha xisbiga bulshada Lars Leijonborg (fp)

Wasiirka iskuulka: Jan Björklund, (fp) 

Wasiirka maaliyadda:  Anders Borg (m)  .

Wasiirka degmooyinka iyo suuqa dhaqaalaha: Mats Odell (kd) 

Wasiirka midowga yurub (EU-minister):  Cecilia Malmström (fp), boos wasiirnimo oo cusub

Wasiirka ganacsiga: Maria Borelius (m) och

Wasiirka caawimaadda debedda ( Biståndsminister):  Gunilla Carlsson (m),

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta: Åsa Torstensson (c) 

Wasiirka beeraha: Eskil Erlandsson (c)  

Wasiirka dhaqanka (Kulturminister):  Cecilia Stegö Chilò.

Wasiirka gaashaandhigga:  Mikael Odenberg (m).

Wasiirka cadaaladda: Beatrice Ask (m)

Wasiirka qaxootiga (Migrationsminister): Tobias Billström (m)

Wasiirka caafimaadka: Maria Larsson (kd).

Wasiirka caymiska bulshada (Socialförsäkringsminister): Gunilla Husmark Pehrsson (m)

Wasiirka degaanka (Miljöminister):  Andreas Carlgren (c).

Wasiirka is dhexgalka iyo sinnaanta (Integrations- och jämställdhetsminister):  Nyamko Sabuni (fp).

Wasiirka shaqada: Sven Otto Littorin (m).

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".