Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nidaamyada iyo mas’uuliyadda xiriirka la leh faallooyinka

Uppdaterat måndag 9 januari kl 10.17
Publicerat fredag 1 augusti 2014 kl 17.35

Ka feker in goobta faallooyinka aadan ku qorin war-bixinno xasaasi ah ama farriin war-bixin. Haddii aad dooneeyso inaad war-bixin la qeeybsato mid ka mid ah laamaha idaacadda fadlan adeegso isku-xireha Radioleaks.

Waxaan xaqiiqdii jeclaan laheyn in ruuxa booqda bogagga idaacadda ee sverigesradio.se iyo Facebook uu isticmaalo suurtagalka ah inuu fikirkiisa ka dhiibato maqaallada iyo qoraallada, hase yeeshee si ay hufnaan iyo habsami dooddu ugu dhacdo waxaa jira xeerar loo baahan yahay in la raaco.

1. Ma ahan wax la ogol yahay:

  • farrimmo xayeeysiin ah ama spam.
  • Sawirrada iyo aflaanta galmada la xiriira, shisheeye naceyb ama aflagaaddada galmadu ku dheehan tahay.
  • hanjabaad, dhibaatayn, gef shaqsiyeed, massabidid, xamasho iyo been-abuur.
  • Soo rogidda bogagga salka ku haya waxyaabaha dusha ku qoran.
  • sheegashada qof aadan ahayn, tusaale ahaan in la isticmaalo magaca dhabta ah ee shakhsi kale, ama la adeegsado dood qura gudaheed magacyo kala duwan.

2. Faallooyinkaagu waa iney xiriir la leeyihiin mowduuca goortaas laga hadaleyo.

3. Waa la ogol yahay in la soo rogto boggag kale iyada oo lagu ayideyo doodda ama la bayaanineyo tix-raaca, islamarkaana iyada oo akhristeyaasha kale ey la socon karaan doodda oo aaney ku khasbanaan iney akhriyaan farriinta aad soo rogtay. Waxaan la ogoleeyn soo rogasho aan muhiimad ku fadhin.

4. Faallooyinka aan waafaqsanayn xeerarkaa mid ka mid ah way dhici kartaa in la tirtiro.

5. Lama ogola in aragti dhabba tus ah lagu qoro goobta faallada. Waxaa farriin mail ahaan loogu qoreyaa laanta ey quseeyso.

6. Faallooyinkaaga qof kasta ayay u furan yihiin oo akhri-san kara. Waxay  idaacadda Iswiidhen u isticmaali kartaa faallooyinkaaga howlo kale oo ey ka mid yihiin bogga in lagu qoro ama idaacadda laga baahiyo.

7. Hab-howleedka faallooyinka wuxuu gacanta ugu jiraa ama loo kor-meeraa hab waafaqsan xeerka xilkasnimada sabuurradaha elekrtroonikada (BBS-lagen). Taa waxay macnaheedu tahay in idaacadda Iswiidhen si aan kala go’ lahayn uga masixi karto faallooyinka ku saleeysan kacdoonka, isku-dirka qowmiyadaha kala duwan, falalka aflaanta iyo sawirrada la xiriira galmada ilmaha lala sameeyo, soo ban-dhigis falal xooq-muquunis aan sharci ahayn ama ku tumashada xeeraka lahaanshaha asal-nimada daabacaadda. Ciddii soo bandhigta faallooyin xeerka jebinaya isaga/iyada ayaa masuuliyad falkaa ka qaadaysa.

Wixii ku saabsan aragti guud ama su’aallo waxaad kala xiriirtaa Adeegga dhagaysteyaasha: 08-784 84 84, @sverigesradioSveriges Radio bogga twitter. Facebook  ama lyssnarservice@sverigesradio.se .

Hawl-galka faallooyinka waxaa maamula Sveriges Radio AB, 105 10 Stockholm, lambarka shirkadda/idaacadda 556419-3232.

(Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay waxay ahayd jannayo 2017)

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".