Ciidda bartamaha kuleeylaha waa ciidda ugu badan ku safaridda gawaarida
Safarrada lagu galo gawaarida ee ciidda bartamaha kuleeylaha, waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo "midsommar" ayey shilal ku naf-waayaan sannadkii isku celcelin dad gaarsiisan 7 ruux.
Sii akhri Ciidda bartamaha kuleeylaha waa ciidda ugu badan ku safaridda gawaarida
DEGDEG: Shaqa ka farisgii tareemmada ee caawa la filayey oo baaqday
Uruka shaqaalaha ee Seco iyo ururka mulkileyda Almega ayaa heshiis loo dhan yahay ku wada gaarey wada-haddalladii uga socdey sidii loo baajn lahaa shaqa ka fariisi uu ururka shaqaaluhu ku baaqay laga bilaabo 03:00 habeenimo ee caawa. Iyadoona ay labada garab heshiis ku gaareen in kor loo qaado mushaarooyinka shaqaalaha 6,8% muddo saddex sannadood ah. Sidoo kale waxey labada garab wada gaareen heshiis la xiriira fasaxa waalidiintu u qaadato kolka dhallaanku dhasho ama sannadaha hore ee ilmuhu yar yahay.
Sii akhri DEGDEG: Shaqa ka farisgii tareemmada ee caawa la filayey oo baaqday
Baaritaan lagu samaynayo surrogatmamma
Haddii lammaane isqaba ay sababo kala duwan awgood u suuroobi weydo in ay ilmo isu dhalaan, waxay jecleystaan oo ka fekeraan habkii ay ilmo u heli lahaayeen. Kolkaa haddii ugxantooda iyo shahwaddooda inta isku bacramiyo lagu shubo ilma-galeenka qofka kale oo dumar ah ayaa lagu magacaabaa afka iswiidhishka surrogatmödraskap, qofka dumarka oo uurka u qaaday lammaanahaasna waxaa lagu magacaabaa surrogatmamma. Mararka qaarkood waxaa dhacda in ugxantu ka timaaddo qofka ilmaha qaadaya oo aysan ka iman hooyada ilmaha dooneysa. Markii ay ummushana waxaa ilmaha lagu wareejiyaa lammaanihii wakiishay.
Sii akhri Baaritaan lagu samaynayo surrogatmamma
Hub badan ayaa la soo gudbiyey intii cafisku socdey
Cafis ayaa horey loogu fidiyey ciddii iska soo dhiibta hub ay haystaan. Xilligii gu’ga oo u dhexeysey 1dii Maarso ilaa 31 Mey ee sannadkaan waxaa cafiskaas awgiis boliiska loo soo gudbiyey 15132 oo hub kala duwan ah iyo 36 tan oo rasaas ah.
Sii akhri Hub badan ayaa la soo gudbiyey intii cafisku socdey
Dhaqaalaha qooysaska iswiidhishka oo ka soo reeynaya sidii hore
Laba sannadood dabadeed oo taxadar lagu jirey ayey bulshada Iswiidhishku bilaabeen iney si tartiib tartiib ah kor ugu qaadaan kharashka ey ku bixiyaan fasaxyada sannadkii, sida ku cad war-bixin sanadle ah oo uu toddobaadkan soo ban-dhigey bankiga Nordea.
Sii akhri Dhaqaalaha qooysaska iswiidhishka oo ka soo reeynaya sidii hore
Dowladda oo ku talajirta inay iibiso qaybta ay ku leedahay Nordea
Dowladdu waxay ku talajirtaa in ay iibiso qayb ka mid ah saamiga ay ku leedahay bangiga Nordea oo gaaraya 230 milyan oo saami, una dhigma boqolkiiba 5,5. Taas oo la micne ah ay dowladdu qaybta ay bangiga ku leedahay ka soo dhimeyso boqolkiiba 13,4 oo gaarsiineyso boqolkibba 8,7. Sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay waraasadda maaliyaddu.
Sii akhri Dowladda oo ku talajirta inay iibiso qaybta ay ku leedahay Nordea
Saamaynta adeegga bulshadu ku leeyahay saxaafadda oo la baarayo
Dowladda Iswiidhen waxay ku talajirtaa in ay baaritaan ku samayso habka ay hawlaha shirkadaha adeegga bulshadu saameeyn ugu leeyihiin suuqa saxaafadda iyo tartanka ka dhexeeya, gaar ahaan wargeysyada iyo qaybo kale oo saxaafadda ka mid ah. Qaar ka mid ah shirkadaha wargeysyada ayaa ku doodaya in shabakadaha shirkadaha adeegga bulshadu ay carqaladayn ku hayaan fursadaha dakhliga ee wargeysyada.
Sii akhri Saamaynta adeegga bulshadu ku leeyahay saxaafadda oo la baarayo
Dareewallada gaadiidka dadweeynaha oo shaqa ka fariisi bilaabey
Wixii ka dambeeyey saqdii dhexe ee xalay oo uu bilowday shaqa ka fariisigii shaqaalaha gaadiidka dad-weeynaha ayaaney haba yaraatee isku soo dhowaan labada garab ee ururka shaqaalaha Kommunal iyo shaqa-bixiyuhu. Qaar badan ee ka mid ah gaadiidka dad-weeynaha oo saaka shaqada ka istaagey nawaaxiga gobolka Itockholm ayaa sababey iney ku adkaato rakaabkii gaadiidkaasi sidii ey ama ku shaqa tegi lahaayeen shaqadooda ama ku gudan lahaayeen hoowl-maalmeedka.
Sii akhri Dareewallada gaadiidka dadweeynaha oo shaqa ka fariisi bilaabey
Dhallaan badan oo qaxooti ah oo arrintooda dib loo eegayo
Dhallaan badan oo qaxooti ah oo keligood Iswiidhen soo galay ayaa codsiyadooda dib loo eegi doonaa. Taasina waxay dabasocotaa go’aankii ay toddobaadkii hore gaartey maxkamadda Midowga Yurub oo qoraya in dhallaanka aan mararka qaarkood loo eegin qaraarka Dublin.
Sii akhri Dhallaan badan oo qaxooti ah oo arrintooda dib loo eegayo
Mashruuc dhallinyarada shaqo lagu geynayo EU
Waxaa loo sahlayaa in dhallinyaro badan oo reer Iswedhen ah in ay shaqo ka helaan waddamo kale oo kamid ah EU. Mashruucan oo loo baxiyey "Ditt första Eures-jobb" ayaa waxaa maagelinaya kommishinka Yurub. Gisela Sarri oo ah isku duwaha mashruucaan ayaa sheegtey in hadafka laga leeyahay uu yahay in la kordhiyo dhaqaaqa muruqa shaqada guud ahaan EU, balse ay la socon doonto sharuudo.
Sii akhri Mashruuc dhallinyarada shaqo lagu geynayo EU
Cudurka sonkorta oo difaac ka noqon kara kansarka borostaata
Ragga qaba cudurka sonkorta uma qaadaan kansarka borostaata si ay ragga kale u qaadaan. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad lagu sameeyey in badan 44 000 oo rag qaba cudurka kansarka borostaata oo ay soo diyaariyeen khubaro ka hawlgala jaamacadda Uppsala.
Sii akhri Cudurka sonkorta oo difaac ka noqon kara kansarka borostaata
Shabakadaha ururada midigta fog oo caan sii noqonaya
Shabakadaha midigta fog oo jecel in ay xoog adeegsadaan waxaa maalin walba booqda dad kor dhaafay 144000 oo qof. Haddii la barbardhigo siddeedda xisbi ee baarlamaanka ku jira waxaa shabakadahooda booqda 19000 oo qof maalintii. Sidaasna waxaa lagu muujiyey daraasad uu guddiga qaranka ee saxaafaddu u sameeyey wasiirada dimoqraadiyadda Birgitta Ohlsson.
Sii akhri Shabakadaha ururada midigta fog oo caan sii noqonaya
Göran Hägglund oo ballanqaadaya ballaarinta daryeelka caafimaadka
Wasiirka arrimaha bulshada Göran Hägglund wuxuu ballanqaadayaa in ballanqaadka daryeelka caafimaadka la sii ballaariyo oo la xoojiyo. Wuxuu doonaya in muddo dhawr sano gudahood ah ay dhammaan baaritaanada la qaadayo iyo dib u booqashada dhakhtarada ka mid noqdaan ballanqaadka daryeelka caafimaadka.
Sii akhri Göran Hägglund oo ballanqaadaya ballaarinta daryeelka caafimaadka
Boliiska iyo ciidamada xoogga dalka oo tababar wadasamaynaya
Laga soo bilaabo sannadkii 2006 waxay ciidamada boliisku caawimaad iyo gargaar ka heli karaan xoogga dalka haddii uu matalan fal argagixo ka dhaco Iswiidhen. Sidaas awgeed ayey hadda labadaan ciidan isla samaynayaan tababar wadajir ah. Sidaasna waxaa lagu qoray warbixin dhowaan soo baxday.
Sii akhri Boliiska iyo ciidamada xoogga dalka oo tababar wadasamaynaya
Iswiidhen oo loo daayey isticmaalka tubaakada ”Snus”
Waxay u badan tahay in Iswiidhen ay mustaqbalka yeelan doonto go’aanka waxyaalaha ay samaysan tahay tubaakada loo yaqaan snus. Wasiirada caafimaadka ee dalalka Midowga Yurub ayaa baaq ka soo saari doona arrintaan maalinta jimcaha ee bisha Juun tahay 24.
Sii akhri Iswiidhen oo loo daayey isticmaalka tubaakada ”Snus”