Siyaasadda cusub ee Ururka Midowga Afrika, AU-da ee ku wajahan Jaaliyadaha afrikaanka ee qaaradda dibaddeeda ku dhaqan

Kulan ey yeesheen madaxda waddammada xubnaha ka ah ururka midowga Afrika, AU-da, 3-dii bishii Feebaraayo ee sannadkii 2003, ayey isla meel dhigeen in la abuuro jaaliyad ey ku mideeysan yihiin dadyoowga asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Afrika ee ku dhaqan adduunka dacalladiisa, midabkey doonaan ama dhalashadey doonaanba ha yeeshaane.

Kulankaasi oo qaaradda loogu qeybiyey shan gobol, ayaa lagu soo qaadey in jaaliyaddu noqoto gobolka lixaad, islamarkaana kaalin buuxda ka ciyaaraan dhismaha iyo horumarinta ururka midowga Afrika, AU.

Shanta gobol ee loo qeeybiyey qaaradda Afrika, marka laga reebo gobolka lixaad ee jaaliyadaha afrikaanka ee qaaradda dibaddiisa ku dhaqan, ayaa kala ah: Waddammada dhaca bariga, Galbeedka, Koonfurta, Waqooyiga iyo Bartamaha Afrika.

Danjire S. R. Makgetla, ahna Safiirka dalkan u fadhiya dawladda koonfur Afrika ururkuna u soo xilsaarey siduu ku abaabuli lahaa xubnaha uga qeyb geli doona kulan ka dhici doona magaalada Paariis 11 - 12-ka bisha September, oo ey ka qeyb qaadan doonnaan guddiyo afrikaan ah ee ka socda dhammaan dalalka Yurub, marka laga reebo dalka Boqortooyada Ingiriiska ee iyagu gooni kulan noocaasiya u qabsan doonaan.  

Sidoo kale waxaa iyaguna kullamo noocaasiya ey ka dhici doonaan qaaradaha waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, Aasiya iyo Awstraaliya.

Haddaba danjire Makgetla, oo kulan isugu yeerey jaaliyadaha afrikaanka ee dalkan ka jira ayaa ka dhacey maalintii Sabtida taariikhduna aheyd 25-kii Agoosto.

Kulanka maanta, wuxuu goolkiisu yahey sidii meel leysugu mideyn lahaa jaaliyaddaha Iswiidhen ku dhaqan.

Midkaasina oo looga gol leeyahey isu diyaarinta kulan goboleedka ka dhici doona magaalada Paariis, kullankaasina oo isagana leysugu diyaarineyo kulanka madaxda Afrikaanka ee ka dhici doono dalka Koonfur Afrika, horraanta sannadka foodda innagu soo haya, halkaasina oo jaaliyaddu ahaan doonto gobolka lixaad ee ururka midowga Afrika, islamarkaana loo adkeeyo xiriirka qaaradda iyo jaaliyadaha dibadda kaga dhaqan.

Kulanka dhici doona sannadka foodda innagu soo haya ka hor ayey tahey in loo gogol xaaro kulan ka dhici doona magaalada Paariis horraanta bisha Septeember, eyna ka qeyb qaadan doonaan xubnaha jaaliyadaha afrikaanka ee Yurub. Waana kii ugu dambeeyey maadaama ey qaaradaha Ameerika, Jasiiradaha Karibianka, kii dalka Boqortooyada Ingiriisku horey u dhaceen.

Sida uu sheegey S. R. Makgetla, danjiraha dawladda koonfur Afrika ee Iswiidhen.

Wiilo Cabdulle, waxey ka mid aheyd dadyoowgii ka soo kulanka maalintii Sabtida ka dhacey xarunta ABF-ka ee magaalada Istockholm. 

Soomaalida ku dhaqan dalkan Iswiidhen waa kooxda ugu tirada badan ee qowmiyadaha ka soo jeeda dalalka qaaradda Afrika, inkasta oo haddana sadqeybsiga xubnaha uga qeyb qaadan doona afrikaanka kulanka ka dhici doona Paariis uu ku saleysnaa tirada bulshada ku dhaqan waddammada Afrika. Wiilo Cabdulle iyo mar kale. 

Middaasina waxey aheyd Wiilo Cabdulle Cusmaan, gudoomiyaha ururka dalladda ee Afro-Svensk riksförbundet, oo aannu wareysi kula yeelaney, mar ey ka qeyb qaadatey kulan ka dhacey magaalada Istockholm looguna gogol xaarayey xubno afrikaan ah ee dalkan uga qeyb geli doona kulan ka dhici doona 11-12 bisha Septeember magaalada Paariis.