
CODKA Arbaco 2007-11-07
Barnaamijka maanta waxaad ku maqli doontaan.
Hoowlgalladii la xiriirey ka hortagga ama baabi’inta cashuuraha la lunsado ee gala jeebka mulkiileyaasha goobaha laga cunteeyo, lagu caweeyo iyo wixii la mid ah oo ey heyadda cashuurtu ku howlaneed muddooyinkan dambe ayaa warbixin ey soo bandhigtey ku caddeysey in guulo waawaaeyn laga soo hoyey.
Barnaamij ballaaran ee la xiriira Maqaallo taxane ah ee si isdaba joog ah loogu soo daabacey wargeyska maalinlaha ee Göteborgs Post, ayaa si aad ah looga faalloodey xaaladda bulshaweynta soomaaliyeed yar iyo weyn ee ku dhaqan nawaaxigaa, kuwaasina oo dhaliyey doodo iyo gurxan aad u ballaaran ee leysla dhexqaado, haddey noqon laheyd soomaalida ku dhaqan nawaaxigaa iyo kuwa ku dhaqan dalka dhammaantii.